Soomaaliya oo Ay ku dagaalamayaan Qadar Iyo Imaraadka Ciidamo Saldhigyo..

 

Qoraal uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash maanta soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbixintii Codka lahaa ee uu Wargeyska The New York Times ku soo bandhigay Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalkaasi kaga hadleen Qarixii bishii May 11-dii ee sannadkan ka dhacay magaalladda Bosaaso.

Garqaash  waxa uu Twitter-kiisa ku sii qoray in Qalaalasaha ay Dowladda Qatar ku hayso deriskeeda muujinayo xiriirka ay la leeyihiin Xag-jirka iyo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sii raaciyey inaysan Qatar beenin Karin qoraalkaasi oo aan u baahnayn Baaritaano, isla markaana aan la soo dhaweyn Karin Eedeynta ku aadan Argagixisadda ka dhanka ah dalkiisa Imaaraadka iyo inay arrintaasi xaqiijinayso ficilka runta ee Afarta Waddan.

“Dhibaatada Qatar ee deriskeeda, warbixinta New York Times ee ku saabsan dhexdhexaadiyeyaasha iyo safiirka Qatar ee Soomaaliya waxay diiwaangelineysaa xiriirka Doha ee xag-jirnimada iyo argagixisannimada.”Ayuu Yiri Wasiiru Dowlaha”

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*