DAAWO+XOG:Puntland oo Mamnuucday Dowlada Soomaaliya Cid Ka Socota Garoowe tagaan,Masuulin la Xidhay

Xubnaha la xiray ayaa kala ah maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray xubnahan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay la xiriirto lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay ku wargelisay guddigaas in dib loo celiyo lacagta ka timi Federaalka oo la soo marsiiyay Amal Bank Boosaaso, balse arrintaas ay qaadaceen gudiga gacanta ku haya dhismaha wadada.

Dowladda Federaalka ayaa horey lacago ugu deeqday dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Garowe iyo Gaalkacyo, taas oo la soo mariyay gudiyadii gacanta ku hayay.

Xidhiidhka Puntland iyo Federaalka ayaan wanaagsanayn, hadana hay’adaha Puntland iyo kuwa Federaalka waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

13 Comments

  1. Puntland iyo Dawladda Federaalku dhibaato kama dhexeyso ee Majeerteenkii bay ka dhex aloosan tahay. Sidii aan dhowr goor soo carrabbaabay waabeeydii ay Cabdi Weli Gaas iyo Cadde Muuse laaqeen baa Majeerteenkii isku liqdaartay.

    Hoggaannimadu waa farshaxannimo si gaar ah loogu xeeldheeraado oo sidaasi aawadeeda ruux madax ah ee bulshadiisa isu soo dummi kari waayay u ma qalmo in uu hoggaan noqdo asalka ba. Puntland shacab gob ah ayay ka nooshahay oo ku dhaqantahay ee hoggaan baanay lahayn.

    Hoggaan-ku-sheegga Puntland haddii ay gabeen waajibkoodii ahaa in ay Puntland saamigeeda deeqaha caalamka Xamar uga soo dhiciyaan waa ku gardaro iyo akhlaaq xumo in ay shacab mise hayad hawshaas isu xilqaamay sidan ugu xadgudbaan. Sida muuqata na Majeerteenku way si i kala dhimanayaan.

    • ASC.
      KU:Cismaan Cawad.
      1.Marka hore ma waxaad raali ka tahay faragalinta qayaxan ee ay USC ku hayso maamulka puntlaan?War haddii ay wanaag iyo waxtar leeyahiin reer USC xamar baa laga arki lahaa.xamar bay maamuli la yahiin ee ma waxaa sax kula ah in ay puntlaana noqoto sida ay xamar ka yeeleen madax ku sheega USC.
      Ma wax caadi ah bay kula tahay in la soo gacan dhaafo maamulka puntlaan?
      2.Intii ay soo jireen maamuladii soo maray reer puntlaan waa loo dacwoonayey qeybtii puntlaan deeqaha uu bixiyo adduunku.Xamarna way diiday.Waxaana ugu dambeeyey lacago aad u badnaa oo ay bixiyeen Yurubiyaanku.Taas oo dadkii bixiyey ay xamar ku yiraahdeen gobalkastaba ha la siiyo qeybtiisa.Soomaalilaan waxaa loo qoondeeyey 72 million dollars.Puntlaana waxaa la siiyey labo malyuun.Taasna puntlaan way diiday.Markii ay madaxda puntlaan diideen xoogaagaas magaca ah ee lacagta ah bay xamar bilawday in ay dad shacab ah hoos kala xiriiraan oo ay u qeybiyaan xoogaayo lacag si ay reer puntlaan isu af dhaafaan.
      Ugu dambayn marna madax ku sheega USC oo uu koow ka yahay Ina farmajo wanaag iyo waxtar lama rabaan reer puntlaan.Waxaase taas waxba uga qaadi waayey Reer puntlaan Xassan Shiikh oo ka shar iyo xumaan badan Ina farmaajo iyo Xassan Cali Khayre.
      Cismaanoow ninbaa nin kale ku yiri (war walaashaa iskuma hubtide Seedigaa ha kala dhimanina).Hadda sina ugama maarantid marjeerteenka ad hadba cabbaar kabacdi la fuushid ama ay xaraaradu ku tusto xumaantooda.War majeerteen waa kuu darbi dheer oo aysan Mooryaantu soo fuuli karin ee Ilaahay (swt) ugu mahadnaq.

      • Xaaji Atoore,

        Aynu marka hore waxa ay Puntland tahay is la fahamno. Ma Jamhuuriyadda Soomaaliya ayay ka tirsan tahay mise way ka madax bannaan tahay? Haddii ay Soomaaliya ka tirsan tahay waa qalad in “faragalin” lagu tilmaamo waxii Xamar oo caasimadda dalka ah kaga soo waajaha. Faragalintu waxay ka dhexeyn kartaa oo kali ah waddamo shisheeye kala ah. Xilli ay Puntland waddan gooni ah Xamar ka noqotay anigu kollay aqoon u ma lihi.

        Atooroow hadalkaaga ah Puntland baa 20 sanadood xaqeeda iyo saamigeeda Xamar ka tuugsanaysay oo waa ba loo diiday waa mid aad looga dhiidhiyo ee aad Puntland ku ceebeysay. Ma aha hadal lala shir yimaaddo waayo liidnimo xun baad markaasi ku qirtay madaxdaas oo isla dhaliisha aan anigu ba ku wiiqayo ee aad gaashaanka uga daruurayso.

        Fariidnimadii iyo farshaxannimadii ay Isaaqu saamiga Woqooyi Galbeed Xassan Xoolo iyo deeq bixiyeyaasga caalamka kaga dhacsadeen oo ay heerkan ku soo gaareen maxaa madaxda Majeerteen u diiday?

        Adigu Xaajoow mar Farmaajo ayaad difaac adag ugu jirtaa, mar waad waddaniyeysaa oo Dawladda Federaalka ayaad u hiilisaa haddana waxa ba mucaarad xun baad ku noqotaa marka ay iyaga iyo Puntland xaajo noqoto. Xaggee laguugu soo hagaagaa?

      • Atariisho,adi siyaasadda Puta land wax badan maa ka fahmeesid we Garoowe intaa tagto Yoga da ciyaar, futada kor u taag taag 😈👿

  2. Ma aha sida nacaskaan wax u sheegayo, dagaal qabiil kama socdo Puntland waa rayigaaga xun, waxa la isku hayaa waa dastuurka iyo hab dowladeed hala raaco, Puntland maamul baa ka jira lacagaha soo gelaya waa in ay hab sharci ah ku soo galaan , Lacag musuq baa la diidayaa in la soo geliyo, waa xaq in la xiro ee waliba la garaaco Caada qaatayaashaas. .

    • axmed

      Caayda waa laguu dhaamaa ee runta iyo xaqa ka xig maandhe. Anigu ma aanan odhanin dagaal qabiil baa ka socda ee Majeerteen baa is qaniinsan ayuu hadalkaygu ahaa oo taasu waa run aan af huuro leh lagu qarin karin.

      Dacishta iyo Shabaabka Bari sow Majeerteen uun ma aha ka gadoodsan ismaamulka Puntland teer iyo xukuumaddii Cabdi Weli Gaas? Tan kale, lacag sharci daro ahi meeshan ma soo galin ee bangi jira ayay toos u soo martay oo cidda bixisay iyo cidda guddoonsatay iyo inta ay tahay waxa ba way diiwan gashan yihiin.

      Khassab ma aha in ay lacag waliba khasnadda dawladda soo marto sababta oo ah dakhliga iyo miisaaniyadda dawligu iyo way kala yihiin deeqaha kale ee tabarucaadka ah ee loo qoondeeyay mashaariicda ay bulshadu maareysato. Arrimaha soo kala barta marka hore inta aydaan af eber ah kala qaadin.

  3. Sidaan arkayo anigu Puntland waxey mar aan fogeyn ku dhawaaqi doontaa iney Soomaaliya iyana iskaga baxdey. Imikaba dunyar oo sii go’eysa ayaa isku heysa.

    Sababta ugu weynina waa Puntland kama tanaasuleyso Federaalnimada, Dawlad walba oo Xamar timaadaana ma jeclaan doonto cid Kursiga kula Fadhiisataa.

    Dawlada Xaarmaajo iyo Kheyrlaawena iyagu maamuladii ayaabey burbirinayaan oo ay qaar ay carbiyeen ayay meesha keensanayaan. Wakhtigu Dawladan waxa uu ka dhacayaa iyaguu Soomaaliya ku Ridey Ceel Dheer.

  4. Fariin kubsocota sOmalilander sxb waan kunsalaamay. Hadaad rabto inaad soo gasho magacaaga iyo emailkaaga ku save garee aaladaada.

  5. Ahmed,

    Sida aad doonto ii nab oo igu been abuuro haddii aad kaga bogsanayso kaarka iyo xanuunka naceybka Daarood ee aad la kardhanayso. Sida aad qalbigayga daalacato ayaad u hadashaa ee hore ayaan kaaga digay in aad taxadar weyn ka gasho cilmul qeybka aad kol ba meel kaga dhacdo inta aad isleedahay Cismaan ku ciil bax ama ku xumee.

    Abid wax hadal ah kama aanan dhiibanin masaladan xoolaha iyo Sacuudiga ee nabarka xun kugu noqday. Haddii aad hayso se nala wadaag oo soo daliisho. Isku na sii qanci khayaalka aad runta isu moodsiisay oo nafta ku sasab laakiin waaqiciga dhabta ah waxba ka baddali mayso iyo in aad tahay muwaaddiin si rasmi ah uga tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya. “Somaliland” dal la yidhaahdaa koonka kama jiro oo adigu na waad ogtahay.

  6. CISMAAN CAWAD OO LABAXAY CISMAAN BASBAAS,NIN WAX YAQAN HASE YESHE ISBADALAY,MARKII MADAXWEYNE KUXIGENKII HORE EE PUNTLAND KHIYAMEYEY PUNTLAND.

    Cisman Basbaas sidisaba waxuu udhashay nin wax yaqan oo wax garadah,markii hore waxuu ahan jiray nin utagan Difaca puntalnd,hase yeshe markii uu khiyameyey madaxweyne ku xigenkii hore ee puntland Egn,Camey ayuu tageridi puntland kala labtay,waxuna lasaftay ina camey oo ka horyimid mamulka puntalnd,waxa kale oo mesha tala Qof kasta oo dhulbahante ah haday maqlan qof marexaan ah oo Xilhaya wa usajudayan, Arintas ma’ogi in dadka somalida ah ogyihin,waxan rajeynaya in arintas baris lagu sameyo wana mahadsan tihin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*