XOG: Amniga Garoowe oo la adkeeyey, Ciidamo heegan lagaliyey, Maxaase soo kordhay?

Ciidamadii ugu badnaa la keenay magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, waxaana heer sare lagaarsiiyey Ammaanka, iyadoo ay soo dhaw yihiin maalmaha xuska 21 sanno guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay maamulka Puntland.

Ciidamada Amniga ayaa ku jira heegan culus, waxayna si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, dadweynaha, iyadoo meelaha qaar la soo dhigay baro lagu hubinayo ammaanka caasumada.

Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha Amniga ku amray in sare loo qaado ammaanka, wuxuuna sheegay in maalmaha xuska loo baahan yahay in Amniga si adag gacanta loogu hayo.

Marti Sharaf badan ayaa ka qeybgali doona xuska 21 sanno guuradii kasoo wareegtay markii la dhisay dawladda Puntland, waxaana lafilayaa in ay yimaadaan qaar kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa soo celiyey hab dhaqan ay horey meesha uga saartay Xukuumaddii Cabdiweli Gaas oo ahaa in banaanbaxyo lagu balaarinayo maalintan lagu dhigo jidadka waa weyn ee caasumada Puntland.

 

 

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*