Alshabaab kayimid dhinaca Somaliland oo ciidanka Puntland ay ku qabteen gobolka Sanaag + Xog ay saxaafadu ogaatay.

Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan.

Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland.

Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. Allahu Akbar argagixiso Alla kacabsigii xaguu kudambeeyay reerkaan weey soo dhar dhigteenbee? Allow sharkooda ka qabo islaamka amiin

  2. Waa iyaga waxa caruurta ka soo xada koofur, Gobollada argagixisada soo mariya ilaa ay Badhan iyo Puntland soo geliyaan. Askarta waa in amar lagu siiyaa in ay laayaan , hadiiba ay indhaha ka qaadaan xaaraanta, iidoorku waa waaridey.

  3. Aqoonsigii Somaliland” & Ictiraafkii Ma Shabaab Ayuu Noqday/Miyaa?..kkk
    ————————————————————————————
    Duulaanka” Somaliland Wuxuu Garab U Yahay Argagaxisda”?….

    1)Damiir xumo dadnimo xumo damac xumo daryeel xumo dooq xumo daciifnimo daris xumo xushmad xumo waaa waxa aanu Ku xusuusan doono (doqonka Muuse Biixi

  4. Ciid/ wanaagsan dhamaantiin
    ——————————
    1)Axmed
    2)Marwo Gabar-harti.
    Asalaamu Caleykum waraxmatulaahi Wabarakaat/salaan Gobeed.

  5. Alloow jecliyaa meesha daalim lagu waxyeeleeyo.

    Nimankan xataa hadii walaalkaa ku jiro arxan iyo qarin maleh. haday horey noo dhaafaan meeshay u socdaa gaaraan waxay sababayaan dhibaato aduun oon la koobi karin, hadaba xuduuda inaga adkeeya, kilaabtuna kii la qabto iyo kii dhintaa cadaabta Alle haku fogeeyo ee yaan loo jixin jixin.

    Maanta waxaa la gaaray inay ummaddaha Islaamka ah diintoodii ku diraan, marka halagu shahiido khawaarijda daaliminta ah kufri bay la wareegayaane.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*