Beesha caalamka oo war culus kasoo saartay xaaladda cakiran ee Junbaland.

War-saxaafadeed ay soosaareen daneeyayaal badan oo beesha caalamka ah balse uu ku saxiixanyahay wakiilka xoghayaha guud ee QM ee arimaha somalia danjire
James Swan ayaa ah mid si dhab ah loogula hadlay Guddiga doorashooyinka jubbaland.

Bayaanka oo ay ku saxiixanyihiin dhowr iyo toban dowladood iyo ururo caalami ah ayaa nuxurkiisu ahaa mid looga hadlayay sida ay beesha caalamka u aragto hanaanka weecsan ee doorashada Jubbaland.

Waxaase xiiso gooniya lahaa 3- qodob oo gooni bayaanka loogu xusay kuwaas oo mid kamid ah uu yahay talo bixin, halka labada kalane ay weydiimo ku xeyndaabanyihiin.

Qodobka tala bixinta ayaa ah in beesha caalamka ay dooneyso in jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor.iyo Xalaal ah laguna kalsoonaan karo, si taasu u dhacdo ayey guddiga doorashooyinka ugu baaqeen in ay muujiyaan dhexdhexaadnimo,
si loogu kalsoonaado natiijada doorashada
waxaa warbixinta lagu yiri waa in codbixinta ay qorsoodi noqoto ood ka deysaan gacantaaga.

Labada weydiimood ayaa u dhacayay sidan.

1. Isdiwaangalin musharixiinta maadaama aad keenteen, sawma aheyn in aad diiwanagalinta iyo shuruuduhuba noqdaan kuwo la fulin karo, sideese la idiinku kalsoonaan karaa hadaad diiwaangalinta inta soo hormariseen ku sheegteen in ay dhamaatay waqtigeedii iyadoo ay musharixiintii saameynta lahaa wali sheegayaan in aan la diiwaangalin, kalsoonida ay idiinku qabi karaane ay walaac xoogan ka muujiyeen??.

2. Soo xulista sadex qof halkii kursiba maadaama odayaasha dhaqanka aad ku wargaliseen sidee lagu kala saarayaa sadex qof iyadoo aad shardi ka dhigteen in mid kamid ah uu ahaado kuwii waqtigu ka idlaaday? Soose la isma oran karo waxaas oodhan waxaa loo marayo was in xildhibaanadii hore badankood lasoo celsho. Caddeyn buuxda managa siin kartaan sida lagu kala xulayo sadexda qof hanaan cadaaladeed oo lagu qanci karana loo mari karo??

Shaki kuma jiro in aysan jawaab u heleyn labadaas weydiimood ee beesha caalamku weydiisay guddiga.

Sidooo kale waxaan la ogeyn go’aanka guddigani laga qaadan doono hadii aysan kajawaabin weydiimaha lasoo weydiiyey.

Arimahan oo idil ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay IGAD oo wakiil ka aheyd bulshada caalamka ay kismaayo ku sugneyd kuwaas oo xog aruurin waday, waxaana isla caawa ay IGAD qudheeda soo saartay bayaan kale oo kan ka agdhaw oo ay adkeyneyso ineey kashaqeynayaan sidii ay jubbaland uga dhici laheyd doorasho xor, xalaal iyo lagu wada qanci karo.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*