Daawo:- Coll.Caare oo hanjabaad kasoo diray Buuraha Sanaag + Sababta uu Puntland uga guuray.

Kornyelka jabhadka ah ee dagaalka kula jira Somaliland Caare ayaa markale muuqaal kasoo duubay halka uu kaga sugan yahay buuraha gobolka sanaag.

Generaalka ayaa si faahfaahsan uga hadlay ujeedka uu usoo dagay buuraha Sanaag ugana soo guuray Puntland, waxaana uu markale fariin udiray maamulka Hargaysa.

Coll.Caare ayaa sheegay inuu dalkiisa joogo isla markaana Nuux Taani uu doonayo inuu kahor istaago dalkiisa, waxa uu si cad usheegay in dagaalka uu wado ay dan ugu jirto Somaliland.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. Jeneraal Caare, Madaxweynaha Dalka.

    Waayuhu waxay inoo sheegayaan in nabsigu uu dadka qaarna durbadiiba wuu haleelaa qaarna wuu usoo gurbuurtaa oo iyagoon filayn ayuu dhirbaaxo daanka ku dhuftaa. Malaha Caaren oon aragno sumcadiisa maanta waaba ninka xaqa uleh in uu noqdo madaxweynaha dalka, walibana cid uu isagu waxyeelo wayn u geystay maba jirto isagoo awood uleh inuu meelwalba gubbo, taasi waa dal iyo dad jacayl

    Labaatan sanadood kahor bay ahayd marka AUN Maxamed I Cigaal uu ka fadhiyi waayay nin yar oon dowladnimo garanayn laakiin carcar dagaal u qaba, cidna aan ka gabanayn oo ahaa car bal itaabo.

    Al Xaaji Muuse Biixi wuxuu ahaa nin aan laga fadhiisan muddo aad u dheer oo ay ugu danbaysay hanjabaadii uu siiyay Siilaanyo kolkuu arkay inuu sii gabaabsi yahay, Shakhsiyaadka kaga xaq lahaa madaxweynaimadana waXAA LOO Dhaafsiiyay yuu ninkaasi qalalaase abuurin. Marka waxay ahayd maahmaahdii, Wiil iswaalaba waabiyaa helay waaana Jeneraal Caare oo ah nin isagu sidiisa shrci ku taagan oon ogolayn in qoorta la qabto, ogna in reerkiisa lagu tacadiyay.

    Hadaba giraantu waa wareegtee Xaaji Muuse cimri tegay yaanu ceeb ku sagootine, dadka runta ha u sheego, qoyska Isaaqna waxay jecel yihiin hanuuninta, marka goor hore ha bilaabo inuu soo hanuuniyo oo kusoo celiyo Soomaalinimada iyadoo laga saarayo wixii xumaan madaxa looga buuxiyay oo ahayd Soomaali oodhan baa idin nibcayd ama idin dishay, waxaana taa samayn kara ninkii madaxyadaa wax hore ugu shubtay.

  2. Jeegaanta”: Hargeysa” Iyo Jeegaanta Ceerigaab*(Col muuse)*(Col Caare)?…
    1)To have a right to speak out is not to have an obligation to speak out. … The principles of collective self-government?…
    ————————————————————————————-
    Waxa Ka Socda Somaliland”(Ma Runteeynu Qarxinaa… Mise?.. Middiyahynu(Qarsanaa)?

  3. Nuur

    Madaxweyne Muuse Biixi iyo Col. Caareba waa Labo Nin oo Somalilanders ah oo dalkooda jooga. Weyna heshiinayaan, xalkuna wuu Iman. Haka werwerin taas.

    Ta labaad Jamhuuriyada Barakeysan ee Somaliland iyo Dadkeeduba danahooda iyaga ayaa garanaya. Adiga iyo cid kale toona noo bidhaamin meyso.

    Tashuushka iyo cuqdada iyo neceybkuba waxa uu ku Jiraa dad badan ood adigu ka mid tahay oonan xitaa qaar aaney dareensaneynba in ay xajiintaas qabaan. Anigu waxaan ku qoslaa dadka Xamar Jooga ee yidhaahdaa, ‘Reer Somaliland cuqdad ayay qabaan’. ‘Maxaad ku sababeyneysaa’, kolka lagu yidhaahdona, odhanaya, ‘Soomaali ayay neceb yihiin’. Kkkkk Kolka lasii su’aalo ee la yidhaa, ‘maxaad cadeyn u heysaa ama weli ma aragtey mid adi ku cunsuriyadeeyayna’, ku jawaabaya, ‘Maya’. Xitaa qaarbaanan ogeynba waxa la isku diidey ama lagu kala tegey. Kolkaasaan ku qoslaa aniguna. Miskiina qaarbaanan ogeynba in Somaali badabkeedu xagaa iyo Woqooyi ka xigto. Shantii iney Sadex dhinacaas ka xigaanba qaarbaanan garaneyn. ‘Xamar Hooyadii Soomaaliya waaye:, uunbey maqleen, kuna hadaaqaan. Kkkk. Kolkaasi miyaaney kaaf iyo kala dheeri aheyn xaajadu.

    Maatidaas wax ma garatada miidhan iska ah waxa iska rogrogta oo kolba dhan u foorariya fikradahooda kuwiinan Munaafaqnimada qandaraaska ka dhigtey ee Jin iyo Jaan iyo Bello aaney cidi rabin had iyo goor u yeedhanaya. Waana ta ka danbeysa degenaan la’aanta dheeraatey ee Soomaaliya ka jirta. Xitaa hadii nabadgelyo darada laga yimaado waxaad imika sameysateen Maamul Goboleedyo aad goradii iskula wada gasheen iyo Khalkhal cusub.

    Hadaba Bello afuuf waa Naar afuuf. Inta aad Balaayo afuufeysaan idinka dheer degenaansho shakhsiyeed, bulsheed iyo mid siyaasadeedba.

    Dadka Reer Somaliland waxey kaga duwan yihiin Reer Soomaaliya waa sidane si wanaagsan u dhugta. Anaba Bello afuufyo waanu lee nahay. Badankooduna waa niman qurbaha ku nool iyo in yar oo gudaha joogta. Dadkayaga ayaane Illaahay mahadii garaadkoodu Korey oonan iska qaadan waxa dhegta loogu sheego. Qofna caano weel ugu jira uma daadiyo caano kale oo ku jira ibo aanan weli gaagixinba. Intayada samaha jecel ayaa ka badan kana awood roon kuwa sharwalayaasha ah. Naar afuufku markuu waayo ciidan, markey waayaan dad shacab ah oo u kaca iyo markey waayaan xitaa dumar iyo caruur ay kiciyaan wey iska quustaan oo candhuuftooda ayay dib u liqaan. Waxaan anigu odhan lahaa, wax naga Barta dad yahow. Nabadu dadka ayay ka bilaabantaa. Dadku haduu isku raaco inuu nabada xajisto koox yari qalalaase kama dhex abuuri karto. Hadii Aabaha iyo Hooyada qoysku caruurtooda ku guubaabiyaan wanaaga, caruurtuna adeecdo, qoyskaasi gurigooda shar laga heli maayo. Hadii jaarku sidoo kale sameeyaan, xaafadoo dhanbaa nabad noqota. Hadii xaafado badan oo isku xigxigaa ay qaataan go’aankaas oo kale Magaalada oo dhanbaa nabadi ka islaaxdaa. Balaayo afuufkii waxa uu magaaladaas ka waayayaa cid uu miciinsado oo dabkuu hurinayay faafisa. Isna tuke baal cad leh buu ku dhex noqdaa kii arkaaba markii ama ka diido beladuu rabo inuu u hulaabo anaba siidhigaba ku afuufo wuu iskaga cararaa meeshaas.

    Aniga iyo inta samaha jeceli waxaanu leenahay:

    Dhaca Bello afuufkow
    Dhagartiina la anbada
    Jahanamo ku dhaadhaca
    Halkaasaa dhandhanaankiyo
    Dhiiga oo la daadahiyo
    Dhuuxa oo la shiiliyo
    Dheeftiinu taalaaye
    Dhaca Naar affufkow

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*