DAAWO MUUQAAL:Caare oo Balan Ku Qaaday Hargeysa Iyo Sanaag Inuu Kala Xidhay Muuse Biixi Ku fashilmay wada Hadalo.

Waxaa guud ahaan is afgaran waa ku soo dhammaaday dedaalo nabadeed oo la doonayey in lagu dhex dhexaadiyo Corneal Caarre iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulamo maalmihii ugu dambeeyey u dhexeeyey Corneal Siciid Cawil Jaamac Caarre iyo odayaal ka soo jeeda beesha Isaaq laguna doonayey in loogu kala dab qaado isaga iyo Muuse Biixi ayaa noqday kuwa aan wax natiijiyo ah ka soo bixin kadib markii aysku fahmi waayey qodobada qaar.

Cornel Siciid Cawil Jaamac Caarre, ayaa odayaasha hordhigay shuruudo ay ku adkaatay inuu ka aqbalo madaxweynaha Somaliland inta badana salka kuhaya, caddaaladda, saami qaybsiga, dhibaataynta shacabka gobolada bariga iyo colaadda galbeedka Sanaag.

Mid kamid ah saraakiisha ka agdhaw Caarre ayaa u xaqiijiyey Puntlandnews in Muuse Biixi uu diidey wax ka bedel uu ku sameeyo qaabka uu ula dhaqmaayo shacabka gobolada Bariga ee Somaliland iyo saami qaybsiga guud ahaan maamulka Somaliland.

Halkani Riix Video

“Waxaan kuu xaqiijin karaa in kulamadu fashilmeen waayo awalba odayaasha iyo corneal Caarre isma hayn ee ninkii dhibaatada abuuray ayaa haddana diidan in wax xal rasmi ah laga gaaro dhibaataynta bulshada deegaamadaan” ayuu yiri sarkaalka la hadlay PN.

Tan iyo markii ay jabhadda Caarre ka guurtay deegaamada Puntland waxaa soo baxayey inay wada xaajood la gelayso Somaliland isla markaana la soo afmeeri doono khilaafka kala dhexeeya xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. LAABO NIIN OO DAAA AH WEEYE. NIMANKAA JAMACADAHAA KUJIRAA QURBAHA ADEEYASHAN WEEY KARBASHIN 30 KAA SAANO SOO SOOCDOO

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*