DAAWO VIDEO:Gobolka Sanaag oo 5 Colaad Madaxa La Galay Soomaliland oo Ceerigaabo Kaliya Lagu Soo Koobay

Sanaag(Marqaannews.com-Gobolka Sanaag Ayaa Galay Colaada Ugu Xumayd sanadahani Danbe,Waxaana  Gobolka Dagaalkiisa hada Kusoo Biiray Xabsida laga Qabo kooxda Shabaab Inay Gabaad Usoo Raadsadaan Iyadoo Inta Badani Yahay Gobolka Sanaag Mid Buuraley Khatar Badan.

Gobolka Sanaag Ayaa Galay Dagaalo Sadex Geesood oo u Dhaxeeya Soomaliland,Puntland Iyo Jabhada Caare Iyo Waliba Dagaal Beeleed Xoogan oo Isisoo taraya Marba Xiliga Ka Danbeeysa,Hadana Waxay Puntland Sheegtay Inay Qabatay Dad Ka Tirsan Shabaab oo Ku Socdey Buuraha Galgala.

Ciidamada Booliska ee Puntland Ayaa Sheegay Inay Qabateen 4 Ruux oo Baabur La Socdey Kana Tirsanaa Kooxda Shabaab  oo Lagu Tuhmayo Inay Ku Dhuumalaysanayaan Qeybo ka Mid Ah Gobolka Sanaag.

Xaalada Gobolka Sanaag Ayaa Kacsan waxaa Ka Socda Barakac Xoogan oo Dagaaladaasi samayn Xoogan Ku Yeeshay Sida Marqaan News U Xaqiijinayaan wariyaasha Gobolka.

Halkani Riix Video Puntland oo Ka Hadashay Kooxda.

Dhanka Gobolka Sanaag Waxaa Kale oo Degmada Ceel-Afweyn Ka Socda Dagaal Beeleedyo Soo Noqday ,Waxayna Dadka Deegaanka Ku Eedaynayaan Inay Soomaliland Gacan Ku Leedahay Dagaalkaasi,Iyadoona Ciidamada Maamulkaasi Dagaalka Ka Qeyb Qaadanayaan Hubka Laysku Dagaalayo.

Soomaliland Ayaa Kusoo Ururtay Carunta Ceerigaabo,Ciidamada Cor,Caare Ayaa Iyaguna isku Balaadhinaya Gobolka Sanaag Iyo Duleedka Ceerigaabo.

Puntland Ayaa Inta Badani la Wareegtey Bariga Gobolka Sanaag Kadib markii Beesha Warsan Gali Intooda Badani Ku Biireen Puntland ,Iyadoona Iisimada Beesha Sicad u Sheegeen Inay Yahiin puntland oo Soomaliland Inaysan Beeshaasi kasii mid Ahaan Doonin.

Halkani Riix Video Xaalada Sanaag

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*