DAAWO VIDEO:SIR RW Khayre Kismaayo tagaya Qorshe N & N Axmed Madoobe u Dhigtay.

Wararka Aanu ka Helayno Magaalada Kismaayo Ayaa Sheegaya Inuu Socdo Qorshe Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan cali Khayre uu Ku Tagayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland Xili Maal Mahani Khilaaf Adag uu Ka Dhex Taagan yahay Jubbaland Iyo Dowlada Faderalka.

Safarkani Raysal Wasaaraha Ayaa Warar Ku Dhow Villa Soomaaliya Sheegayaan Inuu Qorshaynayo inuu Ku tago Magaalada Kismaayo.

Dowlada Nabad Iyo nolol Ayaa Doonaysa Inay Qodobo Usoo Jeediso Madaxweyne Axmed Maoobe,Kana Mid yahiin Inay Doorashada Loo Ogolaado Musharaxinta Jubbaland Si Siman Iyo Inay Goobaha Doorashada Sugan Ciidamada Itoobiya,Inkasta oo Axmed Maoobe Diidan Yahay.

Khayre Ayaa laga Filayaa Inuu Balan Qaadyo waaweyn u sameeyo Madaxweyne Axmed Madoobe Si Ay isku Fahmaan.

Magaalada Kismaayo waxaa ka bilowday Ololaha doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo ku xigeenadiisa.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ee maanta la dhaariyay ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay in ay kulamo kala duwan la qaataan xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland oo doorashdiisa ay Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto maalmaha soo socda.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta la dhaariyay, kaddib munaasabad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankii u horeeyay oo ay yeesheen Xildhibaanada, kaddib markii la dhaariyay ayaa waxay ninka ugu da’da weyn u doorteen Guddoomiye, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali ayaa loo doortay inuu noqday Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*