DEG DEG+DAAWO: Ehelada Yariisow oo dalbaday baaritaan madax banaan, DF oo xaaladdu ku adag tahay & Masuuliyiin la tuhunsan yahay

Ehelada qaar kamid ah Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in ay doonayaan baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dhacdadan, waxayna sheegeen in dhimashada Yariisow ay ahayd mid lasoo abaabulay.

HALKAN KA DAAWO FAAHFAAHINTA

Eheladu waxay sheegeen in aysan aqbaleyn sidda ay hadda wax ku socdaan, balse ay doonayaan in wadiiqo rasmi ah ay ka doonayaan dawldadu in ay sameyso.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Soomaliga hadaysan iska qaban farmaajo dhimashadu ma istaagayso Malaha aqoon siyaasadaan Ma kala garanayaa cadawga soomaliga Qof walba waa arkaa in uu indha laan lagu socdo

    • ASC.
      KU:Mayoonge.
      Sida jireta Ina farmaajo waxba meesha kuma hayo oo ebar buu garaacayaa.Laakiin kuwa dadka masaakiintaa ku laaya koonfurta soomaaliya waa rag ka mida beelaha USC.Kuwaas oo an rabin in markale ay xamar ka hirgasho dawlad soomaali u wada dhan tahay.Odayasha iyo madaxda beelaha USC ma doonayaan in ay xamar noqoto goob nabadeed oo ay soomaali badan ku soo hiloowdo.Sida ay hadda xamar tahay bay dan moodeen madaxda hawiye intooda badan.Haddii aysan saas dan moodin maxay u xasuuqayaan dadkooda masaakiintaa?Maxaysan uga diir naxayn shacabka dhiban ee ay la dabo taagan yahiin Mobka iyo Baasukaha?Shabaabka la sheegaana waa isla beelaha Hawiye oo ma aha dad meelo kale uga yimid koonfurta soomaaliya.Dad an rabin dawladnimo Ina farmajo kuma khasbi karo.Ugu dambayn anigu waxaan ku talinayaa in beelaha hawiye la isaga dhex baxo si ay u kala haraan oo ay hal qolo ugu soo harto xamar.Shacabka Hawiye ee masakiintaa way rabaan dawlad bad-baadisa oo way dhiban yahiin.Laakiin Odayashoodii iyo madax ku sheegii baan rabin waxay rabaan shacabkoodu.

  2. Yariisow Illahay ha’u naxariisto. Dhimey oo tag Hada. Meydkana in la cadino oo la’aasi waayaa waa wax aad u xun. Allaa inaga og sababta dhabta ah ee dilkiisa ka danbeysay. Hadii la baadhi waayay maalmilhii hore ee uu dhintey imika wax laga qaban karaa ma jirto oonan aheyn in la’aaso. Takale weynu garaneynaa in aaney Soomaaliya ka jirin Dawladi. Kun Goor hadii meydkaas la baadhi oo xitaa laga heli in dhimashadiisa aaney la xidhiidhin dhaawaca soo gaadhey oo Keli oo la gacan bidixeeyay, ma dhici kartaa in lasoo heli cidii waxaas ka danbeysay? Waa Maya. Dadka Reer Muqdisho ha iska samreen illaa iyo inta laga helayo Hogaan fiican oo daacad ah oo Dadka iyo Dalkaba u shaqeyn kara. Waa iney iyagu deegaanadooda nabadeyaan oo ayna isku tashadaan oo iyagoon Dawladaas ka hor inaneyn hadana kor u qeyliyaan oo ay waxey rabaan dheyda ka cadeeyaan. Malaha, malaha, malaha ka danbe we la dooran doono ayaa taas ka dhaadhici doontaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*