DEG DEG:Taliyahii Gobolka Sool ee Soomaliland oo Ku Biiray Jabhada Xoraynta Sool ee Faysal Falalug Hogaamiyo,Somaliland In Lasoo Xiro Ku Hanjabtey

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa amar ku bixiyay in la xiro Taliyaha Guutada 31aad ee Ciidanka Somaliland.

Sarkaalkani Ayaa Soomaliland Sheegtey Inuu Doonayo Inuu Ku Biiro Ciidamada Xoraynta SSC Una Fududeeyey Weeraro Ay Kusoo Qaadeen fadhisimo Soomaliland.

Taliye Taani ayaa waxaa uu sidoo kale xilka qaadis ugu hanjabay Taliye Doolaal, iyada oo uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya labada Nin.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn haddana waxaa jirta hadal heyn ku saabsan in go’aanka Taliyaha guud ee Milatariga Somaliland uu go’aankan la ogyahay Madaxweynaha Somaliland oo laftiisa Askari hore ah.

Waxaa sidoo akle fashil ku dhamaaday wadahallo u dhaxeeya labada sarkaal oo ay wadeen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Somaliland.

khilaaf u dhaxeeya labada Sarkaal ee ka wada tirsan Milatariga Somaliland ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo rabshado ka soo cusboonaaday Gobolka Sool halkaas oo uu ka dagaalamayaan Jabhada Xoraynta SSCWaxaana Hogaminaya Faysal Falaalug oo habeen hore ciidankiisa ay weerareen Saldhigga Booliska Somaliland ee Magaalada Laasacaanood.

Dhinaca kale Somaliland waxaa uu dagaal uga furanyahay Gobolka Sanaag halkaas oo duleedka Ceynaha ay dhowr todobaad ka hor kula dagaallameen jabhad uu wato Nin lagu magacaabo Korneyl Caarre oo horay uga tirsanaa Milatariga Somaliland hayeeshee markii dambe ka soo horjeestay Somaliland.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*