Degdeg:- Ciidamada Ahlusunna oo duulaan ku ah xarumihii la dejiyay ciidanka DF + Xiisad dagaal oo hadda kataagan dhuusamareeb.

Ciidamada Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna waljamaaca ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa saaka la soo sheegaya in ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wareejiyay ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan ciidamada Culimaa’udiinka Ahu-sunna ayaa bilowday kadib markii uu soo baxay shaki iyo walaac ay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ka qabaan fulinta heshiiskii ay la gashay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay Sabtida saaka arkayan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu-sunna kuwaasi oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Dhuusamareeb waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dhaq dhaqaaqan cusub uu dhaliyo isku dhac hubeysan oo u dhexeeya ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna.

Sugidda Amniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaanna garoonka diyaaradaha ayaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo dowladdu ay todobaadkii hore shaacisay in ay la wareegtay mas’uuliyadda amniga garoonka.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. ASC.
    Waatii uu xassan Cali Khayre 45 casho uu joogay ardiga galmudug oo ugu dambayn la yiri waa la is afgartay oo waxkastaba way ku wada heshiiyeen Ahlu-sunnah iyo Xassan cali Khayre ee maxaa haddana keenay in uu xaalku gaaro tan maanta la sheegayo?Ma Laluushkii la yiri waa la siinayaa Ahlusunnah baa la waayey?Masee markii horaa la is khatalayey?Xaggee bay xaajo ka ka qaloocatay?

  2. ASCWWB HADEY KUWAN ALLE SUBXANA IYO DIINTA ISLAAMKA YAQAANAAN HA JOJIYAANO DHIIGA LA RABO IN LA DAADIYO ,KHEYRE & FARMAAJO WAA MADAXDII ALLE U DHIIBTEY MASUULIYADA WAA IN LAGA DAMBEEYAA( ALLE SWT) WUXUU YIRI WA UULIL AMRI MINKUM IN LAGA DAMBEYAA ,MARKA NIMANYAHOW DAGAAL UUN LAGUMA JIRI KAREE ALLE U NOQDA

  3. Ahlusunah waa mooryaan diimeed, xalka kaliya waa in magaalada la keeno ciidamo AMISOM, kadibna lasoo badiyo kuwa federalka oo amniga toos loola wareego.

    • ASC.
      KU:Guriceel.
      War Ahlu-Sunnah waxay ka mid yahiin beelaha USC.Madaxda beelahaasna gari ma gasho kamana baxdo.ku dhawaad 28 sano bay wax dilayaan oo dhacayaan oo isbaarooyin dhiganayaan oo aysan wali ka tanaasulin.Ahlusunnah waxay yahiinba waxay la qabaan beelahooda USC.Shacabka masaakiintaa ee lagu laayo koonfurta soomaaliya madaxda USC kama diir naxaan oo danahooda u gaarka ah bay wataan.
      waxba ha noo kala qaadin reerahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*