Degdeg:- Maleeshiyaad dad ku dilay kuwa kalana kudhaawacay deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in saaka halkaasi ay dad ku laayeen dableey hubaysan oo ka tirsan mid kamid ah beelo hore ugu dagaallamay degaanka.

Dableeyda ayaa sida la sheegayo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob kaalin shidaal ah oo ku taalla degmada Ceel Afweyn waxaana rasaasta ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadkii joogay kaalinta Shidaalka.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo kamid ahaa dadka kaalinta Shidaalka ku sugnaa ayaa ku dhintay rasaasta ay dableyda hubaysan rideen waxaana ku dhaawacmay laba qof oo la joogay ruuxa dhintay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*