Degdeg:- Musharixiinta mucaaradka ee Jubbaland oo qaadacay liiska xildhibaanada cusub.

Xilli guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ay xalay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada cusub ee golaha baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73-xubnood, ayaa waxaa xubnaha lagu dhawaaqay ka hor-yimid qaar ka mid ah musharraxiinta hoggaanka Jubbaland u tartamaya.

Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad, isla markaana aysan aqoonsaneyn shaqo kasta oo ay qabtaan guddiga madaxa-bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Sidoo kale, Musharraxa oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubbaland ay shaqadooda ahayd odayaasha dhaqanka beelaha, balse qaabka hadda loosoo xulay uu yahay mid sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka Jubbaland.

Musharraxa ayaa intaas ku daray in qaar badan oo ka mid ah odayaasha la yiqiinnay ee Jubbaland laga saaray liiska odayaasha loogu talo-galay inay soo xulaan xildhibaannada, isagoo dhaliil u jeediyay guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Dhanka kale, musharixiinta la magic-baxay isbeddel-doonka Jubbaland ayaa horay waxay u shaaciyeen inaysan aqoonsan doonin xildhibaannada cuusb ee loosoo xulayo Jubbaland, waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixiso DF.

Ugu dambeyn, Xildhibaannada cusub ee magacyadooda lagu dhawaaqay ayaa la sheegay inay intooda badan yihiin dhallinyaro, waxaana ku jira sagaal haween ah oo ay ku jiro gabar yar oo suxufiyad ahayd, laakiinse u xuub-siibatay hadda siyaasiyad.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Xaaji salaad

    Doorashada jubbalan maka cayb galaysaa saaxiib iyadaa wax run ah kuugu dhow.

    Dimuqraadiyadii 30-ka sanadood laga sheegayay hargeysa waxaaba dhaanta tan kismaayo, oo dhowr sanno kaliya jirta.

    Dhurwaa baa la yiri ma taqaan caanaha waxa la yiraahdo, markaasuu yiri waa kuwa madmadoow ee habeenkii muska la isga dhiibo. Hada sadex xisbi-kusheeg oo reer qura ah bal aynu aragno haday dadka kale muquunin karaan iyo inay aqbalayaan inay 45 boqolkiiba qaataan.

    anigu waxaan isleeyahay waxay orandoonaan hada 80 boqolkiiba baan leenahay balse waxaan xaq uleenahay 95 waayo waa cirwaynida shaqadeeda.

  2. Fowsi

    Adigu xageed kasoo jeedaa aanu garano cidaanu la doodeyno’e? Yaa tahay horta?

    Ta labaad Xisbiyada ragbaa furtey oo kharash, iyo tacaba geliyay.

    Inkasta oo ay kala duwanaatey sidii la rabey iney noqdaan iyo sidey isku bedeshay oonan aniguba taageersaneyn in ay isku badalaan xisbiyo beeleed, hadana markaan garwaaqsadey in nin walba uu ku tiirsan yahay beeshiisa oo sidey maanta wax yihiin oo keliya aanu uga maarmeyn, dee waxaan garowsadey in sidan uun lagu wadi karo illaa iyo ay dadku qabiilka ka korayaan.

    Sidaas Markey tahay, beelaha kale iyagu maxey u sameysan waayeen Xisbiyo oo ay u taageeri Kari waayeen? Yaa ka horjoogsadey? Xitaa Udub oo xisbi weyn ahaa ayaa dhulka afka darey markii la waayay cid kharash gashata oo soo saarta ama Beel taageerta oo kharash gelisa. Ucudbaa inta xisbi jirta isagu dadkoo dhan u gacan haadsha, isna waxa uu ka maarmi waayay kharashkey geliyeen Jamaal iyo kuxigeenkiisii. Sidaas ayuu isna kusoo baxey. Hadaanu ragaas kharashka dul dhigey heysan muu soo talaabeen.

    Fawsiyoow Xisbiyada ma dhayal dhayal iney kusoo baxaan ayaad moodeysaa? Kkkkk Dib isku xisaabi.

    Numberadan 45% iyo futuud fataadkan aad ka hadleysidna waa sheeko baraley afka uun laga yidhaahdo. Saami qeybsiga goorta ay noqoto ee laga wada hadlo ayaa wax la isla meel dhigi doonaa. Taas halkaas ayaa loo dhaafayaa.

    Adiguse yaad tahay?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*