DHAGAYSO:Madaxweyne Farmaajo oo Amarkii Ugu Cuslaa Bixiyey Gabadhi Qaraxa Ka Danbeysey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabada loogu duceynayay guddoomyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho ayaa sheegay in Alshabaab aya adeegsanayaan xeelado badan si ay u geystaan weeraro.

Waxa uu yiri nooma babac dhigi karaan laakiin waxa ay sameynayaan in qof miskiin ah oo aan waxba garanayn loona naxariisanayo  ay ku soo dhex daraan dadka si ay dhibaato u geystaan kuna dhibaateeyaan hal doorka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili qoraal ka soo baxay wasaaradda Amniga ay soo bandhigtay natiijo hor dhac ah oo muujinaysa baaritaan qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose oo lagu cadeeyay in ay fulisay gabadh ka mid aheyd shaqaalaha Gobolka oo Indhoole aheyd.

Dhagayso MD Farmaajo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*