Faahfaahin:- Qarax Boosaaso lagula eegtay gaari ay lasocdeen ciidamada amaanka + khasaare kadhashay.

Qarax nooca dhulka lagu aaso ah ayaa saakay ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Hotelka Boosaaso gaar ahaan meel u dhaw goob ganacsi oo ay lahaayeen dad rayid ah.

Dad goobjoog ka ahaa waxay inoo xaqiijiyeen in Hal Askari ku dhaawacmay goobta qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid lala eegtay gaari ciidan.

Qaraxaan ayaa laga maqlayay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Boosaaso, laamaha amaanka ayaana weli wax war ah kasoo saarin.

Wixii warar ah ee soo kordhaha waxaan kusoo daabici doonaa warkeena danbe.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*