Faallada Maanta Iyo Akhristayaasha ”Axmed Madoobe Iyo Yaa Looga Hiliyaa,Tageerada Xasan.Sh.

By Mahad 

Atoore USC yaad u taqaan horta? 

Ka waran hadii Xassan Sheekh, Sheekh Shariif, Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Odowaa, Mahad Salaad iyo qolo kale oo siyaasiyiintii Hawiye ah oo fara badan intaba ay taageersanyihiin Axmed Madoobe oo weliba qaarkood ay Kismaayo la joogaan yaad uga hiilineysaa ayay kula tahay Axmed Madoobe?

Maxaadse ugu hiilineysaa Dadkii dad u xigay ee reer tolkii oo Seeraarkii Raaskiyanbooni la ahaa ee Kismaayo la qabtay iyo Xiddig oo ahaa dadkii la dhisay kuna dagaalamay garabna siiyay Jubbaland markii Xassan Shiikh iyo Fiqi iyo kuwa kale ee la joogo ay diidanaayeen iyo Ciilmooge iyo oomaar oo intaba tolkii ah oo la jifo ah weeye .

Waxa uu diidanyahay oo la dagaalamayo Madoobe marka yaad u hiilisaa yaadse ka hiilisaa, iska iloow cajalada ah Farmaajo iyo Kheyre ayaa arrimaha Kismaayo lug ku leh waa waxa masaakiinta loo sheegayo ee lagu awr kacsanayo waa sheekadii kenya iyo imaaraatka filinkaa ee meesha waxa isku haya waa Axmed Madoobe iyo tolkii oo leh is bedel ayaan rabnaa 8 sanno ayaad meesha fadhiday .

Waxna ma aadan keenin horumar ah xitaa Caasimadii Jubbaland ee Bu’aale shabaab ayaa heysata waadna ka kicin weyday ee adeeroow naga hor leexo iyo maya inaan sii joogo ayaan rabaa meeshaan anigaa xoog ku qabsaday kuna heysanaya marka Atoore bal ka so fikir 2daa garab ee tolkaa ah kii aad u hiilin lahayd iyo kii aad ka hiilin lahayd.

inta sheekada Hawiye iyo Farmaajo iyo Kheyre iska deysid wax waliba runteey imaan si kasta oo been loo wareejiyo ogoowna Axmed Madoobe dhibka ugu badan ama hogaamiye kasta oo Soomaaliya meel ka heysta ama ka taliya walaahi dhibka ugu badan wuxuu ku heynayaa dadka dad u xiga oo ugu dhow maxaa yeelay qabiilada kale lamaba joogaan oo nin walba dhulkiisuu joogaa .

Hadii uu doono inuu wax ku darsadana qabaa’ilkaa kale waa inuu soo jiitaa oo iska dhisaa oo wax badan u qabtaa si uu taageero uga helo laakiin kuwa reerkiisa ah inuu iska leeyahay ilaahay ka sokow ayuu u arkaa oo aay waajib ku tahay inay u dhintaan si ay ugu dhintaana waa inay u baahnaadaan mar walba marka ayaguu ugu darnaadaa oo madaxa uga istaagaa dhibkiisa iyo xumaantiisana iyaguu ku hayaa.

ASc.
KU:Mahad.

_____________
1.USC waxaan u aqaan jabhadihii beelaha Hawiye ee bur-buriyey dawladdii soomaaliya,xasuuqayna soomaaliweeyn haddana moora duugay.

2.Mahadoow nimanka ad kor ku soo sheegtay magacyadooda sina ulama jiraan Axmadoobe ee ratigooda bay ku kacsanayaan ama waxay rabaan in ay Ina farmaajo Kursiga kALKA wareegaan oo waa xukun doon.Nimankaasu muraad kale ma leh ee waa jagooyin doon.Xassan Shiikh markuu sheeganayey madaxweynaha waa kii labo sano la soo dirirayey Axmad Madoobe.Markuu kismaayo ka quustayna Xassan waakii dagaalkii u badalay puntlaan oo lagu soo dilay 320 wiil oo soomaali ahaa oo laga soo diray xamar.Calaa kulli xaal Shariif iyo Xassan Shiikh labaduba waa cadawga koowaad ee Axmad Madoobe iyo reer puntlaanba.

3.Labada nin ee habar Gidir way iska harjadayaan oo talo iyo tabar midna ma hayaan.Haddii ay cid waxtarayaan may taraan beelaha Habar Gidir oo maanta la meel ay saldhigaan?May ka naxaan 1,000kii qof ee lagu gubay xaafadda Soobe ee xamar?kunkaas qof oo u badnaa beelaha habar gidir.Kama ay hadlaan oo shaqoba kuma leh.Waxayse ka hadlaan waxaan faa’iido ugu jirin oo ah Ina farmajaa saas iyo saas ayuu yiri.

May heshiisiiyaan habar gidir kaliya?Habar Gidir oo dhulka ay dagtaa uu ka yar yahay300 oo kilometers.Maxaa xamar ku imtixaamay?Haddii ay rabaan xamar ha yimaadeen markay soo nabadeeyaan beelaha Habar Gidir.Intaas kaliya ma aha arintu.

Faalada Akhristayaasha

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Aniga sidas ilama aha,marka aad shegaysan ee Xassan sheikh mesha jogay & maanta Xaladu wa kala duwantahay,Masulinta Besha Habar gidir ee mamulka jubaland is barbar tagay ama lasafan waxay Difacayan Sistam,waxana la’oran kara wa ku mahadsan yihin,somaliya Xiligan waxay kagudubtay Wax Qabiil layirahdo waxay ugudubtay Siyasad & is xulifaysi,Tusale ina farmajo & ina khayre sistam aan lajecleysan ayey ku bilabeen hoganka wadaanka somaliya,waxuna dhawacaya sistamka somaliya lagu dhisay,waxuna khuseyey dhaman qof kasta oo masul ah ama Xisbi siyasi ah,iyo dhaman mamulgobaledyada Xuxnaha ka ah xukumada fadaralka ee somaliya,marka in layska kashado arimaha khariban oo ummada somaliyed lagu jahwaririnayo wa arin muhim ah.

  2. ASC.
    KU: Muxammad warsame.
    War saas xaajadu ma aha oo nimanka Hawiye oo ay magacayadoodu kor ku qoran yahiin waa kuwii kismaayo iyo Axmad madoobe la soo dirirayey labada sano.Haddana dano u gaara bay wataan oo soomaalinimo iyo Ilaah ka cabsi kama aha.Waxay rabaan in ay Ina farmaajo kursiga kala wareegaan ee u hiilin ma hayaan Axmad Madoobe.War Xassan Shiikh iyo inta la rayi aha waa cadawga koowaad ee beelaha Daarood.War in aad saas tahay maba ogeeyn ee nin yahoow dadka soo kala baro.Axmad Madoobe waxba ugama baahna nimanka Hawiye ee mucaaradka ku ah maamulka daciifkaa ee xamar laga sheego.Haddii ay madaxda Hawiye waxtar leeyahiin may sida u dhaamaan deegaamada beelaha hawiye ee ay kulli ka wada socdaan dagaaalada sokeeye?

  3. Axmad madooobe… meesha xoog ayuu ku haystaa, 4 sanadood ha xukumo ha loo dulqaato yaan beesha la gubin dhibaato la samayn.. Axmad madoobe. isgaa iska tegi doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*