Farmaajo oo isbahaysi kadhan ah Axmed Madoobe la samaystay laba madaxwayne oo African ah.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota.

Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan.

Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in isbaheysiga ay sameysteen dalalkan uu muhiimadiisa koowaad yahay, sidii looga guuleysan lahaa, islamarkaana meesha looga saari lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xafiiska jooga, tan markii la aas aasay maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay in Kenya ay waddo dadaal ay ku dooneyso in markii saddexaad Axmed Madoobe uu ku soo baxo doorashada maamulkaasi, islamarkaana ay xoog badan gelineyso arrintaasi.

The Standard oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in dib loo doorto Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in Axmed Madoobe) uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara dhanka amniga iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. That’s the final proof of Farmaajo(dirty leader). He’s running away from the Somali leader’s and he’s calling Ethiopian leaders a brother?

  2. Warkani waa war silan. Wax macno ah oo uu sameynayaa ma jiraan. Xaarmaajo haduu talhi Kari waayay inuu Axmed Madoobe ka takhaluso ama xakameeyo waxey aheyd inuu sidii Qoslaaye oo kale la shaqeeyo

    Waxa ay Eritria Horta halkaas iga dhig. Wax saameyn ah oo ay ku leedahay Soomaaliya iyo Kismaanyo toona ma jirto. Xabashida Saameynta ayaanan wax ka qaadi Karin Nin Soomaalinah oo xiniinyihiisa ku fadhiya bartiisa ama dadkiisa ku tiirsan.

    Xaarmaajo Madaxweyne magac u yaal ah inuu yahay waxa cadeysay Isagoo judhiiba u cararay Madaxweynayaasha Wadamada Jaarka oo uu la boobey, Maamul Goboleedyada ha qaabilina. Si aan u saartona ii tu’iya. Kkkkk. Waar ma halaa? Waa halkuu kala xaajoon lahaa. Maamuladu miyaaney aheyn kuwuu xilkooda isagu qaadey. Sow muu sii ogeyn Hab dhaqankooda iyo sidey u rabaan in loola shaqeeyo. Kkkk

    Somaliland ha qaabilina. Cunaha ii qabta oo ii Ciijiya. Kkkkk Waar ma curyaanbaa isagu. Hadii uu itaalkiisa ogyahay muu Aamusni iyo sulux wax ku wado. Siduuse wax jira yahay oo birta calashada ayuu metelay. Kaaga darena wuxuu lasoo istaagey waa la iikiin qaban anigu idin ma qaban karee.

    Bal xagee loo raacaa Madaxweyne aanan Dalkiisii maamuli Karin oo raba in ay Madaxweynayaal isaga la mid ah oo Dalal Jaar ah oo Cadawgiisa la xukumaan Dalkiisa iyo Dadkiisa?

    Xaarmaajo iga dheh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*