Mid kamid ah Beelaha Puntland oo shaacisay inay qaadatay kudhaqanka xukunka Shareecada Islaamka.

Mid kamid ah beelaha Puntland oo shir uga socday tuulada GERI-HEL oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa shirkaasi kaga dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ay ku saxiixan yihiin 18 oday oo samadoonno cuqaal iyo nabaddoono ka kooban ayaa lagu sheegay in beeshu ay qaadatay hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda iyo wixii kala gala dadka ay ood-wadaagta yihiin labadaba.

Sidoo kale beeshu waxay war-murtiyeedka ku sheegtay in ay dhistay laba guddi oo kala ah guddiga dhowrista iyo ilaalinta degaanka oo ka shaqeyn doona ka hortagga xaalufinta iyo adkaynta nabadgelyada degaanka beesha iyo sidoo kale guddiga dhaqaalaha gudaha iyo debadda ee beesha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

6 Comments

  1. Waa loo baahan yahay reer Puntland iney towba keenaan oo wey la soo daaheen.
    Ha joojiyaan ku dhaqanka qabyaaladda Harti Land, Majeerteen Land, Maxamuud Saleebaan Boqorad iyo Madaxweyneyaasha.
    Puntland waa in eey ka gudubtaa Hooyadada Federaalka Qabiilka ah, aabahaha Qabyaaladda.

  2. ASC.
    Waxaan ILAAHAY SWT ka baryaa inuu beeshaan Dhowro WAA inay Beelaha kalana ku daydaan. °Waa Kuma macallimka yiri; “KU dhaqanka Diita Muslimka iyo Demograsiyadu meel ma dada galaan? Bal noosheega halkay isku Qilaafsanyihiin”. WBT

  3. qofka beeshaas ka dhashayoo soomaalida kale ku dhax nool see loo ilaalinayaa suu beeshiisa sideeda u dhaqmo? ma laga yaabaa in sanad guurada sodonaad Puntland lagu arko dad wada gacan la oo lug keliya ku boodaya?

  4. ASC.
    Waa muhiim in lagu dhaqmo Diinta Islaamka.Laakiin waa in la soo maraa jidka saxdaa ee ay banaysay.Looma baahna intii la yiraahdo waxaan ku dhaqmaynaa diinta Islaamka in been laga sheego.Diinta Islaamku ma ogola Laaluush,ma ogola eexasho,ma ogola maal dawladeed oo ay say rabaan ka yeelaan madaxdu.Diinta Islaamku way u wada cadaalad fashay Muslim iyo gaaloba.Diinta Islaamka dadkoo dhan way u wada siman tahay oo ma ay taqaan kaasu wuu cad yahay ee dib u riix.Diinta Islaamku waa cadaalada la sheego oo an car isku rogin.Laakiin waxaa inta badan qalda dad muslimiin sheegta oo danahooda ku fushada.Hase ahaatee beesha hadda laga sheegay ardiga puntlaan waxaa ka horaysey beel kale oo reer Gaalkacyo ah.Beesha reer gaalkacyo wixii ay tiri waxay ahaayeen haddii nin naga midu uu nin beel kale uu dilo,qoladii ninka laga dilay waxaan ku oran doonaa waakaas ninkii dilay ninkiina ee haddii ad rabtaan disha.Haddiise ay yiraahdaan mayee ninkaan waxba dilimayno ee waxaan idin ka rabnaa ninkii uu ninkiinu dilay MAGTIISII.Waa in aynuu bixinaa magtaas.Labadaas arimoodna waxaan ka baranay Diinta Islaamka oo saas noo sheegtay.Laakiin beesha mudug ee reer puntlaan ma oran maxkamado noogaara baan furanaynaa oo sharci noo khaas ah baan ku dhaqmaynaa.

  5. Gartay

    Awal maxay haysteen?

    Meeshan dad baa raba dadka inay diinta u kharariyaan, ama shaab ku taageeraan, war maa runta la isu sheego iley kilaabtu meelwalbana way joogaan reer walbana way ku jiraan. mise dalka in laga haajiro ayaa la doonayaa oo ay isu haran daka doonaya inay isu haraan, wixii ka hadlana waa la dilayaa.

    been

  6. Waa argagixisa hor leh, walaahi hadda hadaan iyaga xabbad lala dhicin ama qoorta laga goyn, in meeshaas wax aan laga raali noqon doonini ka dhici doonaan, auna meel dagaal. maxay yihiin iyaga makey leeyihiin wadanka anagaa sharci ku dhaqeyna, meesha sow maamul kama jiro? waa yaab waas argagixisaa ka ka dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*