Muuse Biixi iyo Wasiiro katirsan DfS oo kulan aan filayn ku qaatay sucuudiga.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabudiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay kulan ay Sucuudiga ku wada qaateen wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaana qoraal uu soo dhigay degalka uu ka degan yahay Facebook-ga ku yiri sidan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah”.

“Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno”.

“Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo” ayuu Wasiir Bayle ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

7 Comments

  1. Hadii xaramkii ilahay la isku salamay oo sawir lawada galay.
    Macnaheedu maaha siyasad ayaa laga wada hadlay,hadii siyasad laga hadlayo waa inay faafin rasmiyi kasoo baxdaa labada madaxtoyo.kkkk

    Ina gaaski pudhlayn ayaan kahayaa xukuumada farmaajo baraha bulshadaa laga xukumaa.kkkkkkkkk

  2. Xaaji Saalax

    Waad igaga horeysay. Kuwani Illaa iyo Xajka ayay Somaliland uga dabo tegeen. Raadkeena ayay raacayaan. Salaantii yareydna wey siyaasadeynayaan. Xajkaasi tollow aqbal ma leeyahay?

  3. Muuse Bixi xajkiisu ma ahayn Alle caabud ee wuxuu ahaa sacudia soo arag, wuxuu Ka mid yahay qaatilinta ugu dhiig daadis badan ee sabankan nool, sida ku cad quranka karimka karimka dhiiga muslimka ma mayrmo lagamana towbad keeni karo illaa saddex mooyee:1—qasaas in laga gudo. 2–mag in laga qaato iyo in La cafiyo.
    Xajku waa bayt ilaah, wuxuuna Ka mid yahay dhanta tiirul islamka, dhiigga muslimkana laga xajin karo, waxaa weli muuqda lafaha maatadii muuse Biixi xasuuqay, kuwa wasiirrada somalia 🇸🇴 sheeganaya ee la kulmayna cibaadada xajka unbaa kulmisaye somalinimo iyo islaannimo iskuma keenin, waa tuugo kulantay wax Ka soo qaadna malahan kulankoodu waa bisado salaan ugu tegay bisad kale.

  4. Tolow hadii maanta uu aadi lahaa Jeneraal Caare xajka, maxaa dhici lahaa?

    Cibaadadii miyaa noqotay meel loo dhuumasho tago marka xaaladu qalafsanaato, may goor hore oo fagare ah yiraahdaan waan xaj tageynaa, ee mar arimahan hoos ku qoray ay dheceen miyaa cibaadadii la xusuustay.

    1- Caare oo lama filanwaa ku riday wixii ciidan soomaliland la oran jiray, oo waqtigan isaga ciyaaraya tabcada, maalinba maalinta ka danbeysana shuruudihiisu way sii xoogaysanayaan

    2- Doorasha-kusheegii oo reer Awdal, reer Sool, Reer Sanaag … iyo cidwalba oo diidan hadaan 50:50 wax loo qaybsan doorasho dhici mayso, ragna waxay doonayan in loo sharciyeeyo sida arimhu yihiin, kolkaasaa guri mugdi ah sadex ilma adeero ah isku soo xidheen kadibna go’aamiyeen in sidaa doorashada lagu maquuniyo.

    3- Sixirbarar aan waxba la goyn karin iyo cashuur sii kordheysa saacad walba oo dadkii danyarta ahayd hoosta loo galiyey iyadoon sharcigaba la marin.

    Usbuuca soo socda aynu wadahadalno.

  5. Fowsi

    Meel cidlo ayaad ka howhow leedahay ee adigu iska daawo sida aanu arimahayaga u furdaamino.

    Caare arimtiisu waa gabo gabo. Markii horeba ma rabin inuu dagaal ba’an galo. Waayo isaga iyo inta la socota ayuunbaa le’en oo wuu ogaa haduu sidan uu yahay dagaal ku galo. Hadii uu rabo cudud xoogan oo milatarina, Farmaajo iyo Deni ayuu ka aqbali lahaa Markey ku yidhaahdeen aanu hub, saanad iyo ragba kusiinee Calanka Soomaaliya qaado. Markaas lexejeclo uu Dalkiisa iyo Dadkiisa u qabo ayuunbuu uga laabtey dagaal dhiig ku daato. Wixiisu siyaasad guracan ayay ku dhisneyd, tiina wey socon weydey. Xaaladiisana waa la daminayaa. Haku deyso taasi.

    Ta nimankan golaha ka baxay ee beelaha aanan Isaaqa aheyn. Kkkk Sheekadoodu waa iska qosol qosol oo kale. Waa niman kuraastooda ilaashanaya. Xitaa waxa ku qoslaya kuwa saami qeybsiga raba. Iyagu intii hore oo dhana kamay hadli jirin saami qeybsi, xal iyo xeer toona kamey keenin, imikana midna ma hayaan. Waxey yidhaahdeen Madaxweynaha ayaa xal laga sugayaa. Waa aan iska fadhino kuraasta we idinku waxan soo dhameeya. Xalkuna anaga nooma yaalo ee cid kale ayuu u yaalaa. Kkkk

    Adigu iska daawo uun sidaanu arimahayga u maanacano.

  6. Axmedoow

    maalmo gudeheeda aan wada hadalno xaajadu ma aha sida aad u qurxinayside. Dadka aad moodayso in xoog wax lagu marin karana uma fududa sidaa. Oday muuse waxaa ka daba yimid wuxuu ku hayn jiray Cigaal, taariikhdu waligeed way wareegtaa.

    Bal aynu aragno iyadoo suuqyada laga dareeyay oo doorashadii loo yaacay. Optimistic Ahmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*