Puntland oo kahadashay Qaraxii saakay iyo Kenyaati lagu dilay Boosaaso.

Taliska Booliska gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askari saaka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay.

Asakariga ayaa sida la sheegayo wuxuu ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari.

Qoraalka Booliiska ayaa dhanka kale looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda Puntland.

“Sidoo kale Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda”. ayaa la sii raaciyay qoraalka Booliiska.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*