Saamayn dagaal oo kadhashay dilkii Baydhaba iyo ciidanka DFS oo la amray inay faarujiyaan magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa maanta kacsan kaddib markii shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan oo ay geysteen malleeshiyaad hubaysan, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade lagu dhex-toogtay beertiisa oo ku taalla duleedka Baydhabo.

Dilka Cali Marguus kaddib ayaa waxaa Baydhabo lagu dilay afar qof oo kale; waxaana falalkan foosha xun si adag uga hadlay madaxweynaha Koonfur-galbeed, C/casii Xasan Maxamed [Lafa-gareen] oo amray in lasoo qabto kuwii ka dambeeyay dilalkaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil ee kasoo cusboonaaday deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed.

Dhanka kale, Xaaladda Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, isla markaana la dareemayo xaalad cabsi ah oo ka dhalatay falalkii kala duwanaa ee shalay ka dhacay dulleedka iyo gudaha Baydhabo.

Madaxweyaha Koonfur-galbeed ayaa dilka ganacsade Cali Marguus dusha uga tuurtay ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo maantana amarro culus ku soo rogay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo ku sugan.

“Ciidamada millateriga dowladda federaalka ee Baydhabo ku sugna waa inay ka baxaan magaalada, ayna tagaan saldhigyadooda ku yaalla duleedka, lamana arki karo askari hubeysna oo millateri ah oo magaalada dhex-socda,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in saraakiisha ciidamada XDS ee ku sugan Baydhabo ay gacanta kusoo dhigaan askartii ka dambeeyay dilkii loo geystay marxuum Cali Aadan Marguus oo lagu dhex-dilay beertiisa oo aan ka fogeyn Baydhabo.

Ugu dambeyn, Cabsida ka taagan Baydhabo ayaa sababtay maanta inaysan maanta furnayn inta badan xarumaha ganacsiga ee magaaladaas, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in cabsidu ay tahay mid aad u sarreysa, lana filan karo falal-dambiyeedyo kale oo dhaca.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. Baydhabo”: what is happening in the region is an intolerable. ?….
    ———————————————————————-
    1) Waad la socotaa deegaanka waxaa ka jirta

    A) FARMAAJO IYO DOWLADA FEDERAL OO XOOG KU HEYSTA (BAYDHABO)?..

    B)DOORASHADII BAYDHABO KA DHACDAY KAL HORE(OO LA AFDUUBAY KOOX NABAD & NABAD.
    ——————————————————————————
    S00maaliya”: wixii Loo Soo Halgamay Lama Hayo”?…….

  2. May You Happy Eidul-Adha Mubarak” To You “All…?
    ————————————————————
    1)Allabariga Nebi Ibraahim: Aasaaska Ciidul Adxa (Eid al-adha)
    Sidaas aawadeed hal wiil oo keliya ayaa ku hadhay gurigiisa Ibraahim (NNKH) waxaa soo foodsaaray kulan tijaabo u ahaa laakiin waa mid innoo furaysa isfahamkii weynaa ee Jidka Toosan. Fadlan akhri qisooyinkii ka yimid Tawreed iyo Quraanka kuna saabsanaa imtixaanka allabariga ee wiilkiisa halkan. Sheekadan ka timid Kutubta waa sababta loo xusaa Ciidul Adxa. Laakiin tani ma’ahan oo kaliya dhacdo taariikhi ah. Waa mid dheeraad ah.)

  3. .. I congratulate you for your commitment and active participation and wish you all … We welcome you to this (Eid mubarak) and look forward to your participation.
    —————————————————————————————-
    1)Suldaanka/ Cismaan Cawad
    2)Suldaan/ Dab La Riday.
    3)Caaqil Ahmed
    4)Xaaji saalax
    5)Kaysi
    6)somalinder
    7)soomaali
    8)Marwo Gabar-Harti
    9)Marwo Afbarwaaq”.
    ——————————————————————————-
    HAMBALYO- HAMBALYO = CIID- WANAAGSAN (DHAMAAN AKHYAARTA SHAEAFTA-IGA-MUDAN.

  4. Azxaabta Reer Marqaan Weyne

    Gidigiinba waxaan idin leeyahay Ciid Mubaarak. Ciidaas ciideeda Illaahey bashbash iyo barwaaqo ha’inagu gaadhsiiyo.

    Xaaji Saalax
    sOmalilander
    Barwaaqo
    Somali
    Cismaan Cawad
    Dab La Ridey
    Gabar Harti
    Iyo inta kaleen ka tegeyba.

    Gidigiin Ciid Mubaarik.

  5. Ahmed iyo mingistume

    Asxabtayda qaaliga ah ciid mubarak

    Waxan kalon halkan farxada ciida hanbalyo uga diraya bahda marqaan

    sOmalilander
    Osman awad
    dab laridey
    atoore
    gabar harti
    marwo barwaaqo
    mubarak

    iyo dhaman intaan katagey.

    Kulicaam wantum bilkheyr

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*