Sawiro:- Axmed Madoobe saaxiibadiis oo markale la doortay iyo soo noqoshadiisa oo…

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa dib loogu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka jubaland, Cabdi aya noqonaya Gudoomiyaha 2aad ee Baarlamaanka 2aad ee Jubaland.

Gudomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa helay codad dhan 55 cod, halka Xuseen Shiinow Cali oo la tartamayay wuxuu helay 18 cod.

Xuseen Shiinow oo ka hadlay doorashada barlamaanka ayaa yiri “aniga waa la iga Guuleystay waana ku qanacsnaahay doorasho xor iyo xalaal ah ayaa dhacday xildhibaanada waa mahad sanyihiin kuwa ii codeeyay iyo kuwa aan ii codeyn”

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif Xaaji ayaa ku guuleystay, ma jirin musharrax la taagnaa sidaa awgeed gacantaag ayeey ku doorteen baarlamaanka isagoo helay 72 cod.

Cabdi Baaleey Xuseen Guddoomiye ayaa ku guulaystay ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland , waxaana uu helay 73 cod oo gacan taag ah, kaddib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*