Sawiro:- qaar kamid ah haweenka Somaliland oo Coll.Caare ku booqday buuraha uu kaga sugan yahay Gobolka Sanaag.

SAWIRO si wayn loogu baahiyay baraha bulshadu ku kulanto ayaa waxaa laga soo qaaday taliyaha jabhadda dulmidiid Generaal Caare iyo buurta uu joogo oo ay ugu tageen hablo aan la ogeyn ujeedada ay ula kulmeen islamarkaana ay ugu badheedheen jabhaddan duurka joogta, lama garan karo sababta rasmiga ah ee kulankooda balse waxaa mar keliya baraha bulshada soo galay sawiro muujinaya taliye caare oo qaabilaya hablo socdaal ugu tegay buurta uu ku nool yahay wakhtigan

Dhinaca kale Waxa aan weli si rasmi ah loogu guulaysan dhammaystirka dedaalo ay wadeen odayaal ka tirsan madaxda dhaqanka ee Beelaha Garxajis oo la doonayay in lagu soo afjaro jabhadda uu horkacayo Col. Caare ee ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Sanaag.

Salaadiin, odayaal iyo waxgarad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa gobalka Sanaag si ay u soo afjaraan xurgufta u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo sarkaalka hore uga tirsanaa ciidanka qaranka ee hadda jabhadda samaystay Col. Caare.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*