Somaliland “Ciidanka Warsangeli waxaanu amarnay inay weeraraan Badhan laakin way diideen waxayna ku biireen Puntland”.

Taliyaha ciidamada somaliland oo maanta saxaafada hargeysa kula hadlayey ayaa waa qiray markii ugu horaysay uu ka haldlay ciidamadii iyo saraakiishii hore uga goostay ciidamada somaliland ee soolka gobolka sanaag u joogay inay ku amreen Badhan inay tagaan, dabadeedna ay diideen iyagoo sheegay in badhan Puntland joogto heshiisna ku yihiin inaanay is weerarin madama labada ciidanba deegaanka kasoo wada jeedaan.

Hadalkan oo saraakiishii ciidamada somaliland kasoo wareegay hogaaminaysay taliye xussen dheere iyo taliye xayle xaaji saxaafada hore uga sheegeen, halka taliye nuux taani maanta markii ugu horaysay uu ka hadlo ciidamada goosanya sheegay hadalkii saraakiisha ee ahaa
Inay ciidamadaasi diideen badhan inay tagaan sidaana ciidankooda uga baxeen

Ugu danbayntii taliyaha ciidamada somaliland ayaa culaysyo badan kala kulmaya ciidamadan goosanya ee gobolka sanaag. dhanka kale
waxana maanta markuu saxafada ka hadlayey uu weeraray Cornl, Siiciid Carre oo uu ku tilmaamay nin dad badan laayey oo u baahan in la qisaaso, hadalkasoo xaalada cirka kusii shareeraya madama xukumada muuse biixi arinta caare iyo jabhadiisa oo gobolka sanaag ceergaabo buuraheda fadhiisin ka samysaytay culays badani kasoo food saarayo.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. WAXGARADKA SOMALILAND OO AFKA FURTAY: “MUUSE WAA TEGAYAA EE YAAN LAKALA TEGIN”?…kkkkk
    ———————————————————————————-
    Somaliland”: Is Crying” Out For Change”….?

    1)War Who Is Pays?……

    2)War Who Is Dies?…..

    3)War Who Is Profits?……
    —————————————————————–
    Somaliland” & Harti/Waqooyi: In somliland and Harti, the situation is always tense.

    Over the past 30 years, hundreds of soldiers have died in border clashes.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*