Tolow Hadii maanta uu Aadi lahaa Jeneraal Caare xajka, maxaa dhici lahaa? Qore:Fowsi

Tolow Hadii maanta uu aadi lahaa Jeneraal Caare xajka, maxaa dhici lahaa?

Cibaadadii miyaa noqotay meel loo dhuumasho tago marka xaaladu qalafsanaato, may goor hore oo fagare ah yiraahdaan waan xaj tageynaa, ee mar arimahan hoos ku qoray ay dheceen miyaa cibaadadii la xusuustay.

1- Caare oo lama filanwaa ku riday wixii ciidan soomaliland la oran jiray, oo waqtigan isaga ciyaaraya tabcada, maalinba maalinta ka danbeysana shuruudihiisu way sii xoogaysanayaan

2- Doorasha-kusheegii oo reer Awdal, Reer Sool, Reer Sanaag … iyo cidwalba oo diidan hadaan 50:50 wax loo qaybsan doorasho dhici mayso, ragna waxay doonayan in loo sharciyeeyo sida arimhu yihiin, kolkaasaa guri mugdi ah sadex ilma adeero ah isku soo xidheen kadibna go’aamiyeen in sidaa doorashada lagu maquuniyo.

3- Sixirbarar aan waxba la goyn karin iyo cashuur sii kordheysa saacad walba oo dadkii danyarta ahayd hoosta loo galiyey iyadoon sharcigaba la marin.

Usbuuca soo socda aynu wadahadalno.

Waxa Qoray :Fowsi Akhristayaasha iyo Warbixinta Todobaadka

Fowsiyoow..

Meel cidlo ayaad ka howhow leedahay ee adigu iska daawo sida aanu arimahayaga u furdaamino.

Caare Arimtiisu waa gabo gabo. Markii horeba ma rabin inuu dagaal ba’an galo. Waayo isaga iyo inta la socota ayuunbaa le’en oo wuu ogaa haduu sidan uu yahay dagaal ku galo. Hadii uu rabo cudud xoogan oo milatarina, Farmaajo iyo Deni ayuu ka aqbali lahaa Markey ku yidhaahdeen aanu hub, saanad iyo ragba kusiinee Calanka Soomaaliya qaado. Markaas lexejeclo uu Dalkiisa iyo Dadkiisa u qabo ayuunbuu uga laabtey dagaal dhiig ku daato. Wixiisu siyaasad guracan ayay ku dhisneyd, tiina wey socon weydey. Xaaladiisana waa la daminayaa. Haku deyso taasi.

Ta nimankan golaha ka baxay ee beelaha aanan Isaaqa aheyn. Kkkk Sheekadoodu waa iska qosol qosol oo kale. Waa niman kuraastooda ilaashanaya. Xitaa waxa ku qoslaya kuwa saami qeybsiga raba. Iyagu intii hore oo dhana kamay hadli jirin saami qeybsi, xal iyo xeer toona kamey keenin, imikana midna ma hayaan. Waxey yidhaahdeen Madaxweynaha ayaa xal laga sugayaa. Waa aan iska fadhino kuraasta we idinku waxan soo dhameeya. Xalkuna anaga nooma yaalo ee cid kale ayuu u yaalaa. Kkkk

Adigu iska daawo uun sidaanu arimahayga u maanacano.

Qore:Axmed….Akhristayaasha iyo Warbixinta Todobaadka

___________________________________________

Wargalin Akhristayaasha Webkani Ku Xidhan Waxaan Ku War Galinaynaa Inaan Todobaadkasta Soo Daabaci Doono Labada Akhriste ee Ugu Fikrada Wanagsan ,Sida Hufana U Dhiinta Aragtidooda,Fadlan Soo Qor Qoraal Akhristayaasha Iyo Soomalida Wax ka Faa’idayso Waana Webka Ugu Horeyey Akhristayaasha Wakhtiga Siiyey.

Mahada Sanidin…

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*