Wasiir katirsan DFS oo xaqiijiyay xariga wasiir Janan “Waa dambiile dhibaato ka gaystay Gedo”.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Bartroolka ee Dowladda Soomaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyay jiritaanka xariga wasiir Janan.

Qoraal uu wasiirkaan kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri:-

“Abdirashid Janan Wasiirkii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista Booliska Soomaaliyeed ee (CID)ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Cidna kama baxsan karto Cadaaladda”.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

10 Comments

  1. Dowlada farmajo waa dowlad ka shaqeynayso xaqa iyo cadalada shacabka waa dhamatay ayamihii dadka shacabka la iska laynayay waa in qofkasto oo umada xasuuqa lala xisabtama cadaladna la helaa wa adowladii ugu horeyasan 30 sano oo isbadal lama filan ah dhaqan galisay sharafta soomali dib boirka uga jaftay

  2. Ceebdiid ninka la qabtay iyo sababta loo qabtay war iyo xoggogaal midna uma ahid waxaad iskala soo boodeysaa wixii kaa dhexguuxayey ee malaha khiyaaliga ku dhisan ahaa yaa qabyaalad lagu sameeyay? yaase ku sameeyay? halkaa waxa ka cad inaadan aqoon u lahayn arimahaan ninkaan 4 dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayuu isagoon sharci iyo maxkamad midna saarin inta soo qaatay banaan cidla ah ku toogtay isagoo Gabre u shaqeynayey iskana dhisayey amxaarada waalidiintii iyo ehelkii caruurtii 16 jirrada ahaa uu xaqdarida ku laayey ayaa meel walba ka dacwooday dawladu soo xaq uma laha marka inay qabato oo sharciga hor keento si waalidiintii uu caruurta ka laayey isagoo xoog amxaaro isku haleynayey ay caddaalad u helaan xitaa in aadan qoladiisa aqoon u lahayn ayaa halkaa ka muuqata waxaad iska dhaadhicisay waa nin ka dhashay qolooyinka madaxda dawlada ka soo horjeeda oo reer ahaan ayay u xirteen sidaa ma aha sxb iyageey isku reero yihiin oo kuwii dad u xigay weeye ninkaan bal ka waran wanaaga iyo u hiilinta xaqa iyo sharciga kuwii dad ugu xigay ayay ku qaadayaan dembigii ay ummada u geysteen ma kula tahay rag qabyaalad ku shaqeynaya inay taa ka suurtoowdo iyo weliba Soomaaliya xilligaan.

    • Beenloow. Cabdirashiid Janan laba bil ka hor Xamar ayuu joogay marka hadii uu dambi leeyahay mexeey u xiri weyday maalintaas. Waxaan ma aha dambi iyo Caddaalad ee waxa meesha ka socdo Siyaasad lagu xumeynaayo Axmed Madooboe.

  3. ASC.
    KU:mahad.
    Waa saad u sheegtay oo qofkii dambiile ah waa in lagu qaadaa wax u dhigma dambiyaduu galay.Laakiin Mahadoow mid meesha ku dar oo ah ragga hadda soomaaliya ka taliya qaar badan oo ka mida waa dambiilayaal soo laayey dad soomaaliyeed sida Cabdiqeybdiid,Axmad Madoobe,Cumar Finish,Suudi Yalaxoow,Shariif Madoobe,Xassan Shiikh,Cabdi Xidig,Muuse Biixi Cabdi iyo qaar kaloo badan.

  4. Wcs Atoore waan ogahay walaal inay intaa iyo in ka badan oo dembiilayaal ah ay joogaan laakiin si kuwaa oo idil sharciga iyo maxkamado loo horkeena sow ma aha in loo hiiliyo dawladnimada inay taaba gasho Insha Allah wey imaan in kulli kuwaa aad magacowday iyo qaar kale oo badan ay maalinkooda sharciga lala tiigsado mahadsanid.

  5. Waxaa isweeydii leh interpool iyo cid shaqsiyaal badan
    Oo wadanka wax ka geeystay ayaa ku jira barlamaanka aqalka sare iyo somaliya oo dhan goblada waqooyi waxaa xukuma oo ilaa maanta socta xasuuq shacab kuwii hore iyo kuwaaba maxaa la iska indha tirayaa cadaaladu meedaay qaar baa madaxweeynayal sheeganay xasuuq baan wadanka ka geeystay wali madaxda uinta iyo dowlado cawiyaan waxeey tahay cadaaladu cadaaladu ma shaqsiyaal gaar ah beey qabtaa

  6. Mahad waa runtaa markii qoraalkii yaraa iska soo qoray akhbaar badan kama haynin ninkaa la xiray. Laakiin markaad leedahay waxuu dilay dhallinyaro asagoo isku dhiibay Gabre oo Ethiopiaan ah. Soo maanta ma aragno in uu Farmaajo isku dhiibay Aby oo Ethiopiaan ah. Asagoo soo xiray Rooboow asagoo adeegsanaayo Ethiopian. Carqalad ku haayo maamul goboleedyada asagoo adeegsanaayo awooda dowladda Ethiopia. Soo asaga ma aheen in uu Qalbidhagax gacanta u geliyay Ethiopia.
    Waryaahee maanta markuu soo xiray Janan oo Mareexaan ah ayaa nooga dhigeysaa in uu qabyaalad ka fog yahay.
    Janan looma soo xirin dadka uu ku dilay Gedo oo waa been dadka loogu sheekeynaayo ee ninka waxaa loo xiray waxuu kua midyahay dadka maamul goboleedka Jubbaland oo waxuu taageersanyahay Axmed Madoobe.
    Meeshaan cadaalad kama socot qofwalbo siyaasadiisa iyo danahiisa meesho eey gasho ayuu been u sameysanayaa dadka adigoo kale ah durbaan been bey dabo wataan sida beenta meel dheer u gaarto.
    Farmaajo iyo Kheyre dodwladnimadi Soomaaliya 20 sano ayeey dib u celiyeen oo waliba suuq beey u beec geeyeen.
    Qatar, Cimaaraadka, Sacuudiga, Ethiopia, Kenya, UNka, USA, UK, EU, ….. Alloow sahal amuuraha.
    Dhulbahante iyo Warsangeli iyo Mareexaan waa dowladda Formaajo

  7. Ceebdiid wixii aan sheegayey ayaad weli ku dhex meereysaneysaa soomaalidu waxay ku maah maahdaa nin ay meeli u cadahay meeli ka madoow qabyaaladii aan sheegayey ayaad ku dhex wareegeysaa xitaa eeg qoraalkaada dhamaadkiisa xitaa qabyaaladii ayaad ku soo gunaanaday marka micno badan ma sameynayso inaan isku xiiqno qabyaalad iyo qaran meel ma wada galaan walaal qofkuna aragtidiisa mid ayuunbey ku saleysantahay Kheyre iyo farmaajo midna ilama dhalan aniga laakiin fiiro dawlad iyo qarannimo ayaan anigu ku eegaa arrimaha halka ay u egtahay inaad adigu ku eegto fiiro qabyaaladeed waa sidaa farqiga inoo dhexeeya mahadsanid.

  8. Mahad. Dowladda iyo maamul gobaleedka dhan qabiil ayeey ku dhisan yahiin. Qarankeena dhan waxaa asal u ah qabiilada Soomaaliyeed. Qabiilna Ilaahay ayaa naga abuuray in aan aan isku garano xaqna wax ku kala qaadano.
    Jubbaland waxeey salka ku haysaa labada qabiil Ogaadeen iyo Mareexaan labadana eey Qaldan yahiin.
    Adiguna waxaad ka turjumeysaa qabiilka aad ka soo jeedid oo isu haysto maanta dowladda marka adigoo dantaada qabiilka wato ayaad rabtaa magaca dowladda iyo Qaranka adeegsatid. Munaafaqeadiga uguma horeysid mana ugu dambeyneysid.
    Adigoo Munaafaq ah ayaa haddanae kama soo jawaabeysid in Formaajo uu isku dhiibay Aby iyo Ethiopia.
    Qaranka aad sheeganeysid soo ma ogid in Ethipia laga ii iyay.
    Taas ka soo hadal iyo qalbidhagax aniga Qaran baan ahay ha ku dhuumaninee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*