Akhriso:- Cabdiwali Gaas oo bahdilay Senetor Faroole “Faroole waa hogaamiyaha midawga shayaadiinta…”

Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli M. Ali #Gaas ayaa todobaadka soo socda dalka Maraykanka (USA) ku soo bandhigaya buug uu qoray oo la yiraahdo “Caqabadihii kalaguurka Soomaaliya.” (A Challenging Transition in Somalia).

Warbaahinta Puntland qaarkood oo helay nuqul kamid ah buuga oo ka sheekaynaya socdaal Cabdiweli Gaas ay ka horistaagtey Xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole xili uu u booqanayey Boosaaso oo uu wareejiyey xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa u qorayd sidan hoose.

“Waxaan wacay Faroole, kama uusan jawaabin Telephonekayga, dabcan wuu yaqaaney lambarkayga laakiin sida muuqata markan wuu naqdiyey wicistayda, deedna waxaan go’aansaday in aan waco mid kamid ah dadka ugu dhow kooxdiisa oo ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha. waa mid kamid ah koox ka kooban ilaa 12 qof oo loo yaqaano Aaran Jaan ama “Midowga shayaadiinta” caadi ahaana waa kooxda hoggaanka Faroole ku xeeran oo aad saamayn ugu leh xukunka jira iyo go’aamada, xataa waxay aad uga awood badan yihiin Wasiiradda Faroole. Waxay ahaayeen wasiiradiisa daaha gadaashiisa istaagan.

Cali si deg deg ah ayuu Telephoneka iiga qabtay waxaana ku iri, “Cali waan filayaa inaad ogtahay waxa ka socda Boosaaso. ii sheeg sababta aad xoogga ugu faanayso iyo sababta ciidamadu guriga ugu hareeraysanyihiin.”

Sidoo kale waxaan u sheegay inaan wacay Madaxweynaha balse uu iga qaban waayey Telephoneka.

Wuxuu ii sheegay in badanaa Madaxweynuhu mashquul yahay ama hadii kale uu qayb ka yahay arinka ee i sug aan hubiyee.

Daqiiqado kadib wuu isoo wacay, wuxuu san se ii sheegin ayaa ahayd in wiilka Faroole ee Maxamed uu dhegaysanayey wada hadalkeena.”

Haddaba hadii Gaas buuggiisa sidaas ugaga hadlay khaladaadka uu ka tirsanayo ama u tirinayo Xukuumadii Madaxweynihii taladda uga horeeyey isaga “Madaxweyne Gaas maxaa lagu xasuustaa?” Hoos ka daawo warbixin Daljir kal hore ka diyaarisay Gaas.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. Cabdi weli Gaas waa Madaxweynihi ugu Xuma uguna Doqonsana ee soo maray Puntland
    Cabdiweli Gaas waa Prime ministerki ugu Liitay ee soo Maray Somaliya

    Hadalka u banaan anigu garan maayo ?

  2. Ninka Atoore la dhaho sxb haddaan soo arkay hadalkii aad page hore iigu soo qortay oo ku saabsanaa walaalkeen Dab La Riday. In kastoo aan waayadan dambe ku soo biiray wax ku darsadka afkaarta goobtan Marqaan muddo dheer baa kor kala socday weerarada kulul oo hilfaha la isugu qaadayay. Haddee adigaan malaha aqoon u lahaynee dhaqankeenaa dhigaya in tolku “Suldaan” iyo “Garaad” iyo “Ugaas” iwm isku naaneyso oo la isku sharfo oo waa wax soo jireen ah. Anagu haddaanu nahay MJga Nugaal ilaa Bari waa nagu ceeb in nin Waaroos ah aan Suldaan loogu yeerin. Waxii adinka idin ka dhexeeya waa showrkiin.

  3. @ Caaqil Fanax

    Marka Salaan sharaf marka xiga ind Saddex sano ka hor ayaanu iswaraysanay ninka wata ”’ Atoore ”’
    Waxaan ku iri anigu nin warsangeli ah baan ahay waxaan ka sii ahay Reer Garaad waxaan ka sii ahay Cali Garaad waxaana i dhalay Ogeyslabe.
    Isaguna wuxu yiri waxaan ahay Majeerteen waxaan ka sii ahay Reer Cabdulle waxaana i dhalay habargidir. Ka dib waani kaftanay waxaan ku iri anagu hadaanu nahay warsangeli Ninka Hartiga ah ee Hawiye dhaleen waxaan ugu yeedhna ”’ BADH XAARAAN ”’
    Atoore inti buu ka xanaaqay welina waa idaba taagan yahay walaahay aniguna wakhti uma hayo nin majeerteen ah in aan la tirsado anigo Bah-majeerteen ah. Marka odeyga waran baa isaga taagan ilaa berigi xita waxaan u gaadhay war aynu isbarano oo telkayga iyo whatsup kayga ayaan halkan soo dhigay bal in uu ila soo xidhiidho si uu u barto ninkaan ahay laakin ma ogola arintaas wuxu ka jecel yahay in uu marba Hadal igu soo tuurtuuro aan micno badan sameyneyn.
    Cabdiweli gaas markaan mu caaridka ku aha ayu Atoore hawada iga sanifay kkkkkk

    Anyway xagayga waxba uma qabo xita isagana waxaan leeyahay Cafis & Musaamax…..

    Laakin DOWN DOWN CABDIWELI GAAS

  4. Waa kaa qaaday Suldaan salaanta qiimaha badan. Sxb mahad ha kaa gaarto sidaad wax iigu sharaxday waana kaa qabaa. Waa ku qoslay sheekada idin kala dhex martay runtii. Wax dhib ah uma arko in la kaftamo oo la is boolaxoofteeyo sababtoo ah waa dhaqan rag oo dhan ka dhexeeya bina aadankoo idil. Anaga xitaa waxii dhankaa iyo mudug naga sii xiga siyaabo badan baanu u riix riixnaa waana iska caadi. Walee inaad caaqil run ah tahay waxaa laga arkaa murtida ku jirta hadal waayeelkaaga aad hooyadeen macaan ku gunaanadday. Xushmad weyn baa mudan tahay suldaan.

  5. @ Caaqil Fanax

    War Caaqil Haddaad aragtid qof aadan Garanayn oo afka kula soo Gala ogow waa ninka wata Atoore.
    Dhaqanka noocaas ah ayu yaqaana in uu magaca kuu soo bedesho oo weliba kugu maago.

    Caaqil Fanax sidaas u baro Marqaan Media.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*