Daawo:- Alshabaab lagu qabtay Puntland oo sheegay in ay soo hubaysay Somaliland…

Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland.

“Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere

Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin.

Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. Wallahi waa yaab! wax lagu tilmaamo lama yaqaano somalida qaarkood waalli mise mir qab? Dad islam ah oo guryahoodii jooga oo xoog io si xeeladeeysan lagu sheeganaayo bal wixii laga dheefo waan sugeeynaa! Aniguse caafimaad dad qaba ilama ahan kkkkk

  2. Ama al sheeydaan soo kireesta ama dadka deegaanka tuugtooda soo kireesta walle reer Sanaag waa idin fahmeen Masha Allah geesiyaasha guul baan urajeeynayaa io gobonimo.

    Somalia hanoolaato aamiin

  3. Waa ku salaamay Gabar Harti. Waxaa muuqata in dagaalkii fadhi ku dirirka goobtan marqaan iyo dagaalkii qaboobaa oo Puntland Somaliland ku haysay ay Hartigu ku guuleysteen waxay socotaba. Wax qarsoon maahan middaasi.

    Guul iyo gobanimo Harti kingdom.

  4. ASC.
    Horaa soomaalidii hore ugu maah-maahday sir ma qabe Allaah baa u sahan maqan.Macnaha qofka ama qoomka daacaddaa haddii ay khatalaan kuwo dhagar wata kan daacaddaa Ilaahiis (swt) baa xaqqa ugu hiiliya.Sanooyin badan baa reer puntlaan looga soo duulayey koonfur iyo waqooyi lagamana guulaysan.Sababtoo ah reer puntlaan badiba waxay jecel yahiin nabada,xasiloonida iyo wada jirka soomaaliweeyn.
    Shabaabna maanta xaalkoodu waxuu marayaa in ay puntlaan u soo diraan dad haybtooda lagu sheegay EYLE.War Eylaha waa laga inkaar galabsaday ee maxuu ka qaadi karaa puntlaan?

  5. Waxaan mar hadii ay maalin kasta weera yihiin, maxaa loo qabanayaa ee Xabsi loogu haynayaa, waa in askarta amar la siiyaa si ay toos ugu laayaan, waayo kaad siideysaan beri ayuu idinku soo noqonayaa. maxay Xabsiga furunka ugu cunayaan? dadkaan hala sasuuqo najaasada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*