Daawo Muuqaal:- Muxuu salka kuhayaa xadhiga Puntland ay ugaysatay masuul katirsan Somaliland? “Warar cusub oo soo kordhay”.

Ciidamada Amaanka Puntland ee ku sugan Degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa maanta xiray Cabdiraxmaan Axmed Muuse Suldaan Suus guddoomiye kuxigeenkii Somaliland u qaabilsanaa gobolka Baran, xariga Cabdiraxmaan ayaa yimi ka dib markii uu diiday in uu ka tanaasulo xilka uu u hayo Somaliland isla markaana uu ku biiro Maamulka Puntland.

Puntland ayaa mudooyinkii danbe xoojinaysay saamaynta siyaasadeed ee ay ku leedahay Gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Baran, dhawaan waxaa gaaray deegaanadaas in ka badan 10 wasiir, waxaana degmada Baran loo dhisay gole deegaan oo cusub. sidoo kale taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa dhankiisa socdaalka kala duwan ku tagay Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Maxaa sababay xariga Gudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Baran ee Somaliland?

Posted by SBC Somali TV on Wednesday, September 11, 2019

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*