DAAWO MUUQAAL:Shirkii Maalgashiga Puntland oo Lacag Waligeeda Soomaaliya Helin Puntland loogu Deeqay 400 oo Malyan.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay maalgashi Puntland ka samaynayaan ganacsato Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo shirkan qayb ka ahaa.

“Waxaan rabaa inaan idiin dulmaro dadka goostay in sadexda sano ee Soosocda ay Puntland maalgashtaan waxay wadartoodu dhantahay 464 Million shirka ayaa laga dhaxlay in dadku ogaado, dowladduna ogaato qorshaha maalgelintaas, waxaan arkay intaan shirkan joogney oo aan la kulmaayey martida laba qof oo markii ugu horaysey Africa timi, gaar ahaan Puntland yimid, waxaa sababay inay yimaadaan muhiimadda shirkan, waana dhicikartaa dadkale inay jiraan oo aanan ani arag” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo waxbadan kusoo kordhiya Puntland, waxa uu xaqiijiyey in dedaalka ugu badan lagu bixinaayo ka sifaynta dalka Ar-gagixisada, waxaana uu ugu dambayn furay Shirka maalgashiga Puntland oo soconaayey muddo sadex cisho ah.

Halkani Riix Video Hoose


 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

9 Comments

  1. Puntland waxay Doonaysa in Ganacsatadda Oromada iyo Xabashidu wax kala soo degaan dekedda Bosaso oo canshuur dhimis loogu sameeyo si ay u kordhiyaan xoolaha faraha badan ee u wadaan Ethiopia Gaar ahaan Oromoland sababtaas ayaa keentay in madaxweynaha Oromaland uu ka soo qayb galo shirkaas.
    Waxaa kale oo shirkaas ka qayb galay Hayaddo caalami ah oo maalgeliya
    1-Gaaska
    2-Patrol ka
    3-Macdanta ” Uranium

  2. Suldaan Dab La Riday aad baan kuu salaamayaa sxb. Waa guul weyn oo Puntland u soo hooyatay waanuna soo dhoweynaynaa. Waxaa laakiin loo baahan yahay in la sii dhisto hayad dawladeed oo dusha ka maareysa hawlaha maalgashiga iyo mashaariicda si looga tago waxii musuq maasuq ah oo ka dhalan doona.

    Haddaan la kor meerin waxaa dhalan doonta khatarta inta badan la xiriirta tartanka ka dhexeeya ganacsiyada waaweyn oo sababi doonta in laalushyo iyo gacan bidxeyn badan wax lagu kala dhacsado. Waxaa meesha ku jirta oo kale arinta canshuuraha oo sida caadiga ah dawladaha ka soo galaafta shaqaalaha dhuuniga ah oo musuq maasuqa u jilicsan. Waa siday ila tahay.

  3. @ Caaqil Fanax

    Salaan sharaf Ind Waa Runta waxa loo baahan yahay Guddi Qaran oo loo sameeyo ilaalinta maalgelinta Puntland si la isaga ilaaliyo Musuqmaasuq iyo isdaba marsiin oo ay somali oo dhani ku caan bexeen.

    Caaqil Fanaxow su’aashi aan habeen hore ku weydiiyey weli jawaab kaama hayo, Ma waxaad ka timi Bariga Nugaal mise Galbeedka mise waqooyiga nugaal. Reerka aad baan u kala aqaanaayey.

  4. Iga raali noqo Suldaan su’aashaas maan arkinee. Waxaan ahay bartanka iyo woqooyiga Nugaal sxb Cabdiraxmaan Faroole baan isku juffo nahay. Ayeyday aabbo baa Warsan ahayd aadna waan u jeclaa hadda waa mootan tahayee. Nuux Cumar inay tahaan filayaa. Barasho wacan suldaan.

    • ASC.
      KU:fanax.
      War ninka ad ugu yeertid Suldaan (Dab La Riday ) ma aha Suldaan ee waa QAAQLE afmiishaara.Anigaa kaa badiya oo aqiin so many years.Waa qaaqle number one.Nin yahoow Suldaanimada meel ha ug dhicin.War iska jir oo haddii uu kuu yimaado madaxaaguu majo u badalayaa.UK caan buu ka yahay ee yuusan isaga kaa dhigin Suldaan dhab ah.
      Fadhi-ku-dirir dhab ha moodin.

  5. Dab La Ridey

    Gacan baan kuu taagey sxb. Litacaarafuuda cid kaaga dheereysa weligay iyo waaqey maan arag. Kkkkk

    Fanax waan ku salaamayaa adna.

  6. Wàan soo dhaweynayaa Shoode Somaliland iney aayaheeda iyo horumarkeeda ka tashato oo ay hore u talaabsato. Ninka yurub inoo soo wakiilatey isagoo Farmaajo Dawladiisa fadhoodka ah u duur xulaya waxa uu Hargeysa isagoo jooga yidhi, ‘gaadhiga socda ayaanu anana gaasta ku shubeynaa’.

    Horumarku waa rukunka labaad ee umad ugu muhiimsan marka amniga laga yimaado.

  7. @ Caaqil Fanax

    Sxb Islaanimadda Ciise Maxamud hada waxa kaa leh Saaxiibkey ”’ Mingis Tume ”’.
    Intaasu waa iga kaftan.
    Mar haddi ayeyadaadi aabe Waros/Nuux cumar ahayd hadda Dhiiga Saldanadda Maakhir Coast aya kugu jira, aad baan usoo dhoweynaya Arintaas.

  8. @ Ahmed

    Sxb salaan ka dib wey wanaagsan tahay in si sharaf leh lamisu barto oo qof walba meeshu ka soo jeeddo la garto Ceeb ma aha Colaadna wey Reebta !

    inkasta qolooyinkan AWAL ee laga soo Daabuley Togwajaale ee doonaya waxa aysan lahayn ay dhib & Qaxar usoo kordhiyeen ummaddi sida wanaagsan u wada degenayd.
    Anagu Habaryoonista sanaag ayaanu Gacan saar la leenahay waxaana taas keentay is-dhexgalka warsangeli iyo Habaryoonista sanaag. weliba Habaryoonista sanaag Salaadiin badan oo warsaneli ah ayey dhaleen sida awgeed degaan iyo wada tashi ayaa naga dhexeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*