DAAWO: Muuse Biixi oo ay ku dhacday arrin uusan fileynin & Caro ka muuqata.

Sagal Maxamed Adam waa gabar dhalinyarro ah oo ka qalin-bedelatay mid kamid ah Jaamacaddaha kuyaala magaalada Hargeysa, waxaana ay ku dhaqaaqday talaabo aad laysku weydiinayo, markii ay diiday in ay salaanto xiligii Shahaado gudoomida Salaan u soo taagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalka Sagal ayaa aad loogu wadaagay baraha bulshada, waxaana daawatay oo ka falcelisay dad badan, oo muujinaya arrimo kala duwan ama siyaabo kala jaad ah uga hadlay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa gabar diiday in ay ka qaado Salaan u soo taagay, Maxaase dhacay?

Madaxweynaha Somaliland ayaa gabar diiday in ay ka qaado Salaan u soo taagay, Maxaase dhacay?

Posted by Farah Abdulkadir Geylan on Saturday, August 31, 2019

Sagal, inkastoo aysan wali hadlin, haddana muuqaalkeeda ayaa la arkayay iyadoo toos u daba-maraysa gacanta Madaxweyne Biixi oo mudo kusii hayay in ay salaanto.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. Sagal, waa ardayad ka qalin jebisey Jamacadda Hargeisa, waana inan muslimada, oo xaq u leh in aanay salaan ka qaadin Nin aan Muxrimkeeeda ahayn.

    Mida kale- Sagal waxay maanta barta facebook geeda ku soo qortay in ay Sharaf iyo Ixtiraam faraba badan ay u hayso Madaxaweynaha Somalilan Xaaji Muuse Biixi Abdi.

  2. ASC.
    KU:Dab La Riday.
    Dab La Riday meeshaad ka oran Sagal waa runteed oo uma banaana in ay salaamto nin ka ajanabi ah baa arintii u badashay xag qabiil.Maya oo saan qabo Sagal waxay tix galisay tuu Ilaahay (swt) uu faray oo ah ha salaamin nin kaa ajanabi ah.Ka baxa tan qabiilka.Gabadhaan yar ee wax soo baratay qabiil ujeedadeedu malaha ma ahayn ee waxay raacday waxay sheegtay diinteedu.Markale Sagal way ku sax sanayd markii ay diiday salaamta ninka qalaad.

  3. ASC.
    KU:Dab La Riday.
    War hargeeysa waa magaalo soomaaliyeed.Waxaana hargeeysa ku nool muslimiin aad u badan oo ma wada aha saad u haysatid.Dadka muslimiintaa ha ku dambaabin oo ha ku wada sheegin wax aysan ahayn oo xumaana.Saan isleeyahay dadka ku nool hargeeysa 98% waa dad muslimiin ah oo ka wada fog xumaanta kahatartaa.Maluhu waa dambi xun.Waa dambi weeyn in qof loo qaado wax uusan hayan.Waxaad aragtay baad unbaad taqaan ee male iyo waa la sheegayey waa wada dambi.

  4. Assalaamu calaykum w w
    gabadhaasi waxay caddaysay qiimaha ALLAAH agteeda ka joogo iyo cabsidiisa,
    haddii ALLAAH nafta iiddaayo oo ay suura gasho hadiyad aanay filayn ayaan ALLAAH dartii uu gaynabaa ama dhiibayaa,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*