DAAWO: Qisadii Ugu Yaabka Badneyd , Waxa Uu Ku Guuleystay Hal Milyan Balse Arin La Yaab leh Ayaaa Ku Dhacday

Ninkaan waxa uu ku guuleystay abaal marinta ugu sareysa ee barnaamijka Yaa Doonaya In Uu Noqdo Millionaire qeybtiisa Ingiriiska balse durba maamulka barnaamka arin la yaab leh ayay soo saareen taasi oo keentay in lagala laabto abaal marintaas waliba ay noloshiisa ay bur-burto.

Charles Ingram waa Ijineer haysta darada koowaad ee ciidanka Ingiriiska (Captain) , waxa uu aad ugu waalnaa barnaamijyada tartamada.

Waxa uu hammigaas sii kordhay ka dib markii xaaskiisa ay ka qeyb gashay barnaamijkaas ayna ku guuleystay lacag dhan 32 kun oo lacagta Ingiriiska ah.

Waa tan oo uu ku dhiiraday in uu sameeyo tijaabo cusub oo uu ka qeyb galo barnaamijkaan caanka ah , mar waliba codsi ka qeyb gal ayuu gudbin jiray illaa ugu dambentii laga aqbalay.

Waa uu yimid iyadoo ay la socdaan xaaskiisa Diana iyo saaxibkooda Whittock.

Intii lagu jiray tartanka waxa uu Charles Ingram muujiyay karti badan xagga ka jawaabista su’aalaha ah illaa uu ku guuleystay abaal marinta weyn oo uu qiimaheedu gaarayay hal milyan oo gini , farxad darteed waa uu ooyay waxaana ku wehlisay xaaskiisa xilli dadweynaha-na ay si weyn ugu sacab tumayeen .

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*