DAAWO: Soomaaliya oo lagu qabtay markii 1aad Kulan Maalgashi caalami ah

Kulankii ugu horeeyey oo maalgashi ah tan iyo markii ay dhacday dawladdii Kacaanka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Ganacsato u dhalatay dalalka Caalamka, waxaana la casumay marti badan isagoo socday saacado badan oo xariir ah.

Inkastoo kulanka Maalgashigu uu ahaa mid ay agaasintay dawlad gobaleedka Puntland oo qeyb ka ah Soomaaliya, haddana ma jirin cid kasocotay dawladda Faderaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ka qeybgashay, waxayna ahayd fariin weyn oo ay Soomaalidu u dirtay caalamka oo dhan.

HALKAAN KA DAAWO

Maalgashadayaal ajaaniib ah oo u kala dhashay Shiinaha, Khaliijka, Afrikada dhexe iyo Barriga Afrika ayaa madasha kusugnaa oo ay qaarkood hadal jeediyeen, waxayna Shirkad laga leeyahay dalka Sacuudi Careebiya ay sheegtay in ay maalgashi ku sameynayso Puntland.

Khabiiro ama dhaqaale-yahano kasoo shaqeeyey Bangiga Aduunka, qaarkoodna hadda ku jiraan Guddiga Sare ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa madashan ku cabiray in ay tahay mid muhiimad weyn ugu fadhida Soomaaliya oo ay dagaalo ka jireen mudo dheer.

 

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*