DAAWO VIDEO:Xog Adan Ogayn Farmaajo Guulo Waweyn Soo Hooreyey Calamka Ku Amanay..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulahi Farmaajo Ayaa Guulo kasoo Hooyey Safarkiisa oo Ku Joogo dalka Maraykanka Maal Mahani ee Shirka Golaha Amaanka Uga Qeyb Galayo,Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, waxa uu wada hadallo kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Video Hoos Ka Daawo

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*