DEG DEG: Xildhibaan Xidig oo si adag ugu hanjabay Axmed Madoobe.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegay in 22kii bisha August loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga jawaabay hanjabaad dhawaan ka timi Axmed Madoobe oo isna dib loo doortay isla 22kii August ee sannadkan.

Mr, Xidig wuxuu cadeeyey in aysan u hakin doonin haba yaraatee Hanjabaad iyo dil kasta oo uga yimaada dhinaca Madaxtooyada Jubbaland, isagoo sheegay in ay hayaan magacyada iyo sawiradda dad uu sheegay in ay geysteen dilalkii u dambeeyey eek a dhacay magaalada Kismaayo.

Sidaas oo kale wuxuu tilmaamay in ay Isbedel-doonka uu madaxda u yahay ay doonayaan in Jubbaland ay si nabad ah ugagudubto marxaladaha ay ku jirto, isagoo ku eedeeyey Axmed Madoobe in uu sifo sharci darro ah iskugu dhajinayo kursiga oo ay tahay in uu sharciga raaco.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in cid kasta oo cabsi hayso aysan gaari karin Jubbaland, wuxuuna xusay in ay dadaal badan galinayaan sidii Jubbaland mideysan ay u dhisi lahaayeen, taas oo taabagal ka dhigaysa qorshaha nabadgalyada.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. Daanyeer futo xun baad tahay doqon yahow aan waxba kala ogeyn. Jubbaland dadka u dhashay baa u taliya khasab maahan inay ku dhasheen. Dhowr qarni ka hor intaanu gumeysigu geyi soomaaliyeed food soo galin bay Ogaadeenku iyo Hartigu Jubbooyinka gaar ahaan magaalo madaxda Kismaayo ugu sad bursanaayeen marka dhinac kasta laga eego. Ilamaa saldanadii Cummaan bay meeshan ka atooreyn jireen oo maahan wax sacabka lagu qarin karo. Kuwa Axmed Madoobe ku kacsan ujeeddada qarsoon oo ay ku hoos wataan dushaasaa laga hayaa waryaa. Wax laga yeeli karo maahane ninkii xiniinyo lahow iskeen.

  2. @ Caaqil Fanax

    War Caaqil warka adigaaba soo dhameeyey ”’ Ninki Xiniinyo isku haya ha iskeeno ””

    Waan Kugu Raacsanahay wale.

    Ahmed Madoobe kuma joogo kismaayo Walaalow iyo Eeddo ee wuxu ku jooga Xiniinyihiisa.

  3. Xidig waa nin wanaagsan laakiin wuxuu ku waashay xukun, waxaana sidiisaba madax maray in mar uun darajo sare lagu magacaabo, ninku maleh aragti, malin heer uu doonayo inuu gaaro ama dadka gaadhsiiyo wixiisu waa ciidee hadaadan adigu cunayn.

    wuxuu kale oo hilmaamay in waxa uu dadka ka ciidanayo ay yihiin wax laga wada dafi ku karo oo noqon kara maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa, reer ahaan ninka hada meesha haya nin kaga wanaagsan waligeed la heli maayo balse nin farmaajo la yiraahdo ayaa qoorta uga lulan, oo isna aan dan badan lahayn balse aan bedeli kari dhaqankiisa waayo waxaa loo arkayaa inuu nin jelaysi wado.

    hadaba xidi waxaa la gudboon inuu xigihiisa iska aado oo la musaafiriyo ama xabsi uu galo ama afka iyp gacnaha laga xiro.

  4. ASC.
    Axmad Madoobe duco qabe laguma sheegin.Hase ahaatee xamar way ka gardaran tahay.Sababtoo ah ayadoo kismaayo shabaab loogu tagi waayey isagaa ka kacsaday.Malaha Ina farmaajana waxuu rabaa in uu kismaayo ku soo celiyo Mooryaantii Albaadada kala bixi jirtey guryaha kismaayo.Yaa wax isku haya oo maanta Axmad madoobe dagaal u aada.Anigu Axmad la xulufo ma ihi laakiin waxaan u jeedaa in aad iyo aad looga gardaran yahay.Ina farmaajo intuu kismaayo u miciyo lisanayo muu xamar haajiyo.xamar waxaa ku awood badan Shabaab oo shacabka iyo ganacsatada ka qaadata CANSHUURAHA.Magaalana waxaa xukuma ninka canshuuraha ka qaata.War Axmad Madooboow iska celi maatada xamar wax qaban weyday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*