DEG DEG:Dowlada Soomaaliya Iyo Jubbaland oo Isfahmey Diyaaradahii Kismaayo oo Dowlada Fasaxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ahaa ee Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu fasaxay duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo,kadib codsi uga yimid shacabka.

Dowladda ayaa todobaadkii la soo dhaafay xayiraat saartay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo,iyadoona arrintaas ay saameyn badan ku yeelatay dadka shacabka ee halkaas tegi jiray.

Sidoo kale xayiraada dowladda Federaalka Soomaaliya saartay duulimaadka ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhanka Caafimaadka ah iyo kuwo kale.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Axmed madoobe in uu doorashadaas u tartamo ma aheyn, wuu qaldamay, Farmaajana waxa u taal dhibkii uu shacabka Kismayo u geystey, shacabka barakacay, Dad badan ina Farmaaaoo Kenya, ee qaxooti ahaa, qaar baa kenya u naqday, Magdhow ayaa laga rabaa ina farmaajio. siyaasadxumada uu qabsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*