DEG DEG:Jubbaland Ciidamdeeda Weerar Xoogan Ku Qaaday Kooxdii..

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Deegaannada ay Ciidamada Jubbaland howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah,Bandar-Jadiid, Maleelay, Janaala-Jaay, Koban iyo Araare oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo howlgalka hoggaaminaya ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaannada,Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda  Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay ilaa 13 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab wallow aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa yuusuf Raage ayaa isaga oo howlgalkaas ka hadlayay dhankiisa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgalka fuliyay ay dileen 15 xubnood halka mid ka mid ah ay Nolosha ku qabteen.

War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo ay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*