Degdeg:- Ciidamo ka amar qaata Muxidiin Gacameey oo caawa weeraray idaacad kutaal Boosaaso.

Warbaahinta Daljir ayaa sheegtay in Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland gudaha u galeen xarunta daljir Bosaaso kuwaas oo raadinayaa Agaasimaha guud ee daljir Ahmed Sh Maxamed Tallman oo amarka qabashadiisa ay sheegeen in uu bixiyey taliyaha Booliska Puntland Gen: Muxiyadiin Axmed Muuse maamulka daljir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Boolis ah Shalay gudaha u galeen xarunta Daljir Garoowe.

Maamulka daljir ayaa sidaan uga hadlay dhacdooyinkaas ay sheegeen in ay Booliska kala kulmeen

“Maamulka Warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya.

“Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn ayuu yiri Agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir”

Daljir ayaa dhawaan baahisay Warbixino la xiriira tacadiyo dhimasho ka mid tahay oo sheegeen in lagula kacay dhalinyaro Bosaaso iyo Garowe boolisku ku qabtay iyagoo tilmaamay in dilka tacadiyao kale oo ka baxsan Biniadantinimada ay fuliyeen ciidamo gaarka ah ee taliyaha booliska Puntland.

Dhinaca kale taliyaha booliska Puntland kama hadlin eedaymahaas isaga iyo ciidankiisa loo jeediyey.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*