Degdeg:- Dhaqaalaha Somalia oo kor ukacaya sanadkaan sida ay sheegtay World Bank.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kici doona 2.9%, halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%, ka hor inta aanu deg deg u gaarin 3.2% illaa 3.5%, saddexda illaa shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Bankiga Adduunka

Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xirnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Dakhliga kasoo xarooda canshuurta ay ururiso dowladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dhaqaalaha uu kasoo kabtay abaaro xooggan oo dhacay sanadkii kaas ka horreeyey, islamarkaana dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha.

Qimiintan ayaa ah mid guul u ah
Somaalia haday sas ku sii socoto

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Waxaa la dhihi karaa dhaqaalaha dalka waxaa korinaya ganacsiyada gaarka ah oo aad u shidan. Waxaana la dhihi karaa dhaqaale heer qaran ah ma jiro sababtoo ah heerkaas wax walba weli waa ka qabyo dalkuna ma lahan wax soo saar dawladdu maareeyso. Taasu micnaheedu waa inuu shicibku ka dadaal badan yahay dawladaha dalka ka jira oo bangiga dhexe looga baahan yahay inuu sidaas ku amaano oo ku dhiira galiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*