DAAWO MUUQAALKA:Madaxweyne Deni oo Talaabo 20 sano Puntland La Qaadin Ku Dhawaaqay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo maanta ka hadlayay furitaanka Shirka maalgashiga Puntland ayaa sheegay in Dowlad Goboleedkiisu ballanqaadeyso amniga maalgashatada iyo hantidoodaba.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in meel kasta oo Caalamka ka mid ah ay amni darro ka jirto islamarkaana ay qeyb ka tahay Puntland.

Waxaa uu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay ka adkaaneyso Al-shabaab amniga maalgashatadana sare loo qaadayo sida uu hadalka u dhigay.

“Meel kasta oo adduunka ah amni darro ayaa ka jirta, puntland qeyb ayey ka tahay,waan ciribtireynaa haraadiga AL-shabaab, amaanka Maalgashatada annaga ayaa sugeyna waqtiga dhow iyo kan fog” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa Ganacsatada Reer Puntland iyo kuwa Ajannabiga ah ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan degaannadoo si loo kobciyo dhaqaalaha maamulka.

Waxaa kale oo uu baaq u diray Bangiyada ka howlgala degaannada Puntland oo uu ka dalbaday in ay hoos u dhigaan dulsaarka mashaariicda maalgalinta ah ee ay sameeyaan.

Magaalada Garowe ayaa maanta waxaa ka furmay shirka Maalgashiga Puntland halkaas oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socda Beesha Caalamka, Ganacsato iyo daneeyayaal kale oo tagay Magaalada Garowe.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Anigu Garoowe waan maal gashanaya laakin Gaalkacayo iyo Bosaso haba ka yaabin
    Gaalkacayo Al-shabaab ayaa Baraxley degan
    Bosaso Daacish aya dhinac ka degan.

    Marki Laasqorey laga tago waxaa ku xigta Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*