Maxbuus xalay si cajiib ah uga baxsaday saldhig kuyaal muqdisho + Dagaal dhexmaray isaga iyo askari dhalinyaro ah.

Nin ku xirnaa Saldhigga Waaberi, ayaa xalay xabsiga ka baxsaday, waxaana eryaday askar ka tirsan ilaaladii Saldhigga, kuwaasoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan.

Mid kamid ah ilaalada ayaa Laba Xabadood kor ugu riday Maxbuuska, si uu u istaago, balse taasi orodkiisii kama hor istaagin.

Askari dhalinyaro ah ayaa markii danbe qabtay Maxbuuska, waxaana dhexmaray dagaal adag, isagoo Maxbuuska isku dayay inuu askariga qoriga ka fara maroojiyo.

Ku dhowaad 5 Daqiiqo oo ay isla xarbinayeen kadib, Askariga ayaa qaatay go’aan ah inuu Maxbuuska iska sii daayo, isagoo ka cabsaday iney Shabaab u yimaadaan, maadaama Habeen ay tahay, meeshuna cidla Mugdiya eheyd.

Dadka qaar waxey leeyihiin Ninka baxsaday Shabaab la soo qabtay ayuu ahaa, halka kuwo kalena ay leeyihiin Tuug buu ahaa, Inkastoo Nin Tuuga waxaasoo rafaada uusan mareen.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*