MD Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qaybgalaya shirka QM ee kadhacaya USA “Isagoo aan ahayn muwaadin mareekanka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horreysay sanadkan 2019 uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhicin doona dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheysnta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Sanadkan uu ka qeyb geli doono Shirka Qaramada Midoobey.

Wasiirka Jamaal ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay xili uu faahfaahin ka bixinayay Shir Magaalada Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sano ee uu xilka Madaxtinimada hayay ka qeyb gelin shirka Qaramada Midoobey, sababo la xiriira dhalashada Mareykanka ee uu heystay, waxaana Horaantii bishii hore Agosto uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashadii Mareykanka.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*