Puntland oo.shaqo usamaysay shaqaale dhawaan laga soo eryay Somaliland.

Ugu yaraan 8 ka mid ah shaqaalihii dhawaan laga eryay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa shaqo cusub ka bilaabay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shaqaalahan oo hore ugu shaqayn jiray hay’adda duulimaadyada Qaramada midoobay ee ICAO kana hawl geli jiray garoonka Hargeysa ayaa hadda waxa la wareegay dawladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka hay’adda duulimaadyada Somaliland ayaa hore shaqada uga eryay shaqaalahan iyagoo ku sababeeyay in ay saxeexeen mushahar ay bixinayso dawladda Soomaaliya.

shaqaalahan ayaa iyaguna ku doodaya in xukuumadda Somaliland siiso shaqo u dhiganta tii ay u hayeen ICAO.

ICAO, ayaa hore dawladda federaalka Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya oo ta Somaliland-na ku jirto.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. @ Ahmed

    Hawaddi somaliya waxaa loo wareejiyey Muqadisho
    Passportki Somalia ayey weli ku dhoofaan Madaxda iyo dadka somaliland
    Xoolihi somaliland waxa lagu xidhay shahaado caafimaad oo ka soo baxda DFS

    Sheekadiinu waxay tahay ”’KALLUUNKA MA CUNO LAAKIN MARAQIISAAN CABAA”’

    Hawareegto Giraantu.

  2. ASC.
    One somali One Nation.
    War soomaali waa wada soomaali oo xuduud iyo meelo u kala gaara ma jiraan.Reer soomaalilaan waa soomaali.Insha Allaah meeshay rabaan bayna soomaaliya uga shaqo tagi karaan.Maamulka hargeeysa waxuu wato iyo arimaha shacabka reer soomaalilaan waa kala labo.Haddii dad reer soomaalilaan ah ay shaqooyin ka heleen puntlaan ma aha wax lala yaabo oo waa caadi.Insha Allaah amba waan ku talo jiraan in aan Hargeeysa iyo Burco ka so muraadsado anigoo Ilaahay (swt) ma ahee anan aadame ka baqayn.Dadka reer hargeeysa ee shaqooyinka ka helay puntlaan waa ayagoo ka helay hargeeysa oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*