Sawiro:- Alshabaab oo soo bandhigay odayaal dhaqameed kale oo kooxdaasi isku dhiibay.

Ururka Al-shabaab ayaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ku soo bandhigay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Galmudug.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in madax-dhaqameedkaas ay Al-shabaab cafis u fidisay kadib markii ay iclaamiyeen in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha towbadda loo qabtay ay isgaa yimaadeen dhammaan degaannada Galmudug kadib markii Al-shabaab ku amartay in ay iska soo diiwan-geliyaan degaanka Xarardheere si cafis loogu fidiyo.

Al-shabaab ayaa hore sidaan oo kale u soo bandhigtay ergooyin kamid ah madax-dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. kkkkkkkkkkk

    iyagii baa cimaamado soo xirtay markaasay dadka ka dhaadhicinayaan waa la inoosoo guuray.

    maxay maro isku mid ah madaxyadu ugu wada xirteen, qaarkoodse afafka u duubteen marka la sawirayo?

    iyagoo qaawan hasoo direen haday run sheegayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*