Siyaasiyiinta Xidig iyo Seeraar oo abaabul dagaal kawada Kismaayo + Duulaan ku wajahan Axmed Madoobe.

Saansaan colaadeed oo cusub ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, taasi oo u dhaxeysay saddexda madaxweyne ee isku haysta hoggaanka maamulka Jubaland.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, oo sheegtay madaxweynenimada Jubaland, ay magaaladaasi ka wadaan hub urursi iyo qorista ciidamo beeleed daacad u ah.

Abaabulka siyaasiyiintan ayaa yimid kadib hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ahaa in aanu u dulqaadan doonin in Kismaayo ay ku sugnaadaan rag sheeganaya madaxweyne-nimada jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar kulan ay ku yeesheen Kismaayo ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin, in mid kasta uu si gooni ah u sameysto ciidamo difaaca. Seeraar oo markii hore ciidan xooggan lahaa ayaa sii kordhiyey qorista ciidamadiisa.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah, qodob kale oo sheegaya in haddii midkood ay ciidamada Jubaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata ay weerar ku soo qaadaan, ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa ayada oo weli aanay miro-dhalin wada-hadallo u socday ergo matalaysa Axmed Madoobe iyo Seeraar, oo la doonayey in Seeraar lagu qanciyo inuu magaalada isaga baxo

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

5 Comments

  1. DUF KU BAX Xiddig & Seeraar Shimbirtii Dabka Qaaday, Ee buulkii hooyadeed
    Gubtay, Iyana ku Gubatay?……
    ———————————————————————————-
    Hiil iyo hadday hoo ba tahay horey u taageera
    Gacmaha is qabsada si aad mid u ahaataanba?
    ————————————————————
    Horaa Loo Yiri- ( Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta,)?
    —————————————————————-
    You are not born into a war, you die?..

  2. @ Ahmed

    Harti waxay Leeyihiin Jamhuuriyadda ”’ ISAAQLAND ”’
    Isaaqu waxay Leeyihiin Jamhuuriyadda ”’ AWALLAND ”’

    SXB bal arintaas maxay kula tahay oo warki xalay aan ku weydiiyey ka soo hadal de !

    Liibaan samakatalis ka sheekee sxb

  3. Dab La Ridey

    Anigu ma faaleeyo doqon walba oo facebooga ama YouTube makhaayad ka furtey oo dabadeedna halkaas kasoo nacnacleeya.

    Midbaanse ku odhan. Waa doqoniimo in kolba ninka Kursiga kubfadhiyay qoladiisa loo aaneeyo wax walba. Waana doqoniimo labaad in loo soo golo fadhiisto in Nin walba oo Kursiga ku Fadhiisataa uu intii lanheybta aheyd ee Shaqaalaha dowladeed ahaa uu xilka ka wada qaado.

    Dowoniimada ugu weynse waxey heysataa qolyihiinan Harti ee iska sugaya in Kuraas loosii madhneysiiyo oo u kaalaya la’idinku yidhaahdo. Hadaad Iman weydaana jecel inaad madhni ku daawataan. Kkkk

  4. @ Ahmed

    Kiina Mucaaridka ah Doqon buu Noqda kkkkkkkkkk sheeko waalan baad meesha keenteen.
    Anigu koley waxaan Aaminsanahay in Warsangeli aysan waxba ka sugeyn ISAAQLAND taas waa xaqiiq.
    Afarta miskiin ee warsangeli ee ka kala yimi London,Sydney,Newyork iyo Dubai ee Hargeisa ku qayila ma metelaan xita jilibkay ka dhasheen iska da’a warsangeliye.
    Haday tagaan Laasqorey xabad baa u taala taasuna waa xaqiiq.

    https://youtu.be/nxRNYaTCUvs

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*