Warbaahinta Kenya oo Shirkadda Hormuud ku eedeeyay inay caawiso Alshabaab + Dagaal ay qayb ka tahay Safaricom.

Warbaahinta dalka Kenya, oo muuqda inay gadaal ka riixeyso shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Safaricom, ayaa kusoo biirtay dagaalkii ay horey ciidamada dalka Kenya ugu hayeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa maanta qoray warbixin la-yaab leh, oo aan sal iyo raad lahayn oo uu shirkadda Hormuud ku eedeynayo inay ka dambeysay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lagu burburiyey anteenooyin iyo taawaro ay leedahay shirkadda Safaricom.

Warbixinta Daily Nation ayaa u muuqata mid caksi ku ah dhibaatada ay horey ciidamada Kenya ugu gaysteen qalabka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanada ku dhow xuduudda Kenya, halkaasi oo shirkadda ay adeegyo taleefon ku siiso shacabka Soomaaliyeed.

Qorshahan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalka guud ee Kenya ay ku haysom dowladda, shacabka iyo hantida umadda Soomaaliyeed, si loogu qasbo dowladda inay ka laabato dacwada kiiska badda.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*