Wasiirkii Arimaha Debada Sweden oo Iscasishey Jaceyl Ninkeeda Dartii Iyo Qoyskeeda

Wasiirkii arimaha dibedda ee Sweden Margot Wallström ayaa iska casishay xilkeedii waxaanay ku sababaysay iscasillaadeeda inay doonayso in waqti farxad leh ay la qaadato saygeeda,caruurteeda iyo weliba caruurta kale ee ay ayeeyada u tahay.

Margot Wallström oo ah 64 jir ruug cadaa siyaasadeed ah oo ka tirsan xibiga ugu weyn xisbiyadda siyaasadda Sweden ayaa sanadkii 1979 markii ugu horaysay ka mid noqotay baarlamaanka Sweden.

Wargeysyada Sweden Qaar Ayaa Qoray Fallo Ciwaan Uga Dhigeen Wasiirkii Siyaasada Uga Tagtay Jaceylka Ninkeeda Iyo Caruurteeda”

Wasiiradani Ayaa Nolosheeda Ugu badan Siyaasada Kusoo Qaadatay.

Intii ay xilka wasiirka arimaha dibedda haysay waxay ahayd diblomaasiyad ka dhex muuqata siyaasadda caalamka waxaana lagu xasuustaa aqoonsigii Sweden ay dawlad madax banaan u aqoonsatay Falastiin 2014kii oo ay door weyn ka ciyaartay,wadahadaladii nabadaynta Yemen ee Sweden marti gelisay,ka shaqayntii isu soo dhaweynta madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, ka mid noqoshadii ay sweden ku guulastay booska golaha amaanka qaramada midoobay iyo guulo kal oo muhiim u ahaa xidhiidhka dalkeeda iyo dunida kale.

Iscasilaada wasiirku may ahayn wax la filayay balse waxay door biday inaanay nolosheeda ku dhamaysan siyaasad uun ee ay dhanka kalena faraxada qoyskeeda iyo nolosheeda gaarka ahba xor u noqoto iyadoon cidi waardiye ka ahayn.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*