Deg-deg:- Sargaal katirsan Puntland oo gowr dhaw lagu weeraray qarax .

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in qarax lagu weeraray sargaal ciidan oo katirsan Puntland kaasi oo la sheegay in gaarigiisa loogu xiray.

Sargaalkaan oo magaciisa lagu sheegay C/Qani Xaabuun, ayaa qarax lagu xiray Gaarigiisa waxaa uu ku qarxay Guri uu ka degganaa Magaalada Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga uu yaallay Guriga taliyaha islamarkaana xilliga uu qarxayay uu Taliyaha ka shakiyay.

Taliyaha ayaa isku dayay in uu Gaariga kala soo baxa Gurigiisa waxaana uu ka shakiyay,waxaana uu kaddib uga tagay shakigaas kaddibna sidaa ayuu ku qarxay.

C/Qani Xaabuun ayaa ah Taliyaha Saldhigga Booliska Bartamaha ee Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ku jiray Guriga Taliyaha oo ku yaalla Xaafadda Israac ee Magaalada Gaalkacyo.

ma jirto cid ay wax yeello ka soo gaartay qaraxa marka laga reebo burburka Gaariga gaaray.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*