DAAWO MUUQAAL:Madaxweyne Erdogan oo Cay Trump Ku Yiri Sheegay 100 Sano ha Qadate Inuu Ka Aar Gudanayo

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/REX/Shutterstock (10155748e) President Donald Trump listens to a question during a meeting with Irish Prime Minister Leo Varadkar in the Oval Office of the White House, in Washington Trump, Washington, USA - 14 Mar 2019

Inta Badan Marka Xiisad dagaal oo Caalamiya Dhacdo waxaa Laga Dhaxlaa Hadalo Laga Yaabo Inay Iyaga Colaada Sii Hurdiyaan,Hadaladaasi oo Xataa laga Yaabo 10 Sano Kadib Inay Kala Kacdaan madaxda Aduunka Xataa Raali Galin Gaara Kuma Filna Mud Warbaahinta La Mariyo Mooyaane.

Sidaasi oo kale Waxaa Hadalo “Odhaah” Kala Duwan Keentay dagaalka Isbuuca Socdey ee Dalka Turkiga uu Ku Qaaday Dalka Siiriya,Dagaalkaasi Ayaa Ka Guul Weyn Inta Laga Yaabo Inaad Filaysid Adiga,Waayo Turkiga Waxaa In badan uu Doonayey Inuu Amaan U Helo xadkiisa Dalka Siiriya oo Marba Marka Ka Danbeeya wal Walkeeda Sii badanayey.

Dagaalka Turkiga ee Suuriya Wuxuu Keenay Hadal Aflagaado oo Trump Ku Yiri”Erdogan”Lakiin Isaga Wuxuu Lagu Tilmaamaya Xumaan kama Ahayne Diblumasiyad Xumi Bay ka Ahayd”

Lakiin Erdogan Waa Nin Aad iskaga Ilaaliya Bahdilaada Waligina Lama Sheegin Bahdilad Lagu Sameeyey.

Hadalka Erdogan Ku Sheegay 100 Sano Ha Qaatadee Inuu ka Aar Gudan Doono Fagaare Ku Haboona Mid La Mida uu ka Dhahi Doonaa Waa Warqad uu u Qoray Trump Isagoo Leh”Nacas Ha Noqon Hana Is Adkayn Awood Malahide.

Lakiin Trump Ayaa Si Hadalkaasi Hore Meesha Uga Saaro Wuxuu Eray Saamayn Kale Leh uu Ku Yiri”erdogan Waa Fariid”Labada Kalmo waa iska Soo Horjeedaan fariid Iyo Nacas Macno Ahaan”

Madaxweyne Erdogan Ayaa Wali Qancin Wuxuuna Sheegay Inuusan Cafin Doonin Hadalka,Inkasta oo Heshiis wada Gadheen Maraykanka ,Turkiga Iyo Kurdiyinta.

Wargeyska The Foreign policy oo wax ka qora siyaasadaha caalamka ayaa kusoo warramay in heshiiskan uu u muuqdo mid guul weyn u ah xukuumadda Ankara oo waday olole ay Kurdiyiinta kaga xoreneyso xadka ay la wadaagto Suuriya.

Heshiiska ayaa sidoo kale lagu xusay in Mareykanka uu wakhtigaas uu ku daad gureyn doonaa Kurdiyiinta aaga dhan 30 kilomitir oo uu Turkiga doonayo in uu ka sameeyo aag nabdoon.

Trump ayaa Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ku tilmaamay nin fariid ah oo aad u fiican.

Wuxuu intaa raaciyay in labada dhinac uu Mareykanka saaxiib la yahay, mararka qaar ay wanaagsan tahay in labada dhinac ay dagaalamaan oo aad isku daawato, farahana ka qaado, marka dambena aad kala celiso,Hadlkaasi oo Laftiisa Turkiga uu u Arko hadal Diblumaasiyadeed Inuusan Ahayn Inuu Maraykanka Caruurtisa Ugu Yeedho.

Madaxweyne Erdogan oo Isaguna Hadalka Ka Jawaabaya Ayaa sheegay in haddii dagaalyahannada Kurdiyiintu aysan galabka Talaadada halkaas isaga bixin – waa sida uu dhigayo heshiiska xabbadjoojinta ee – “waxaannu ka bilaabi doonnaa halkii aannu ku joojinnay oo waxaannu sii wadaynaa inaan madaxa ka goyno argagixisada.

Kadib xiriirkii wacnaa ee taleefanka 6-dii Oktoobar ee dhex maray madaxweynayaasha Erdogan iyo Trump, Aqalka Cad ayaa siiyay iftiinka cagaaran ee Turkiga si ay u bilaabaan duulaankooda ka dhanka ah aag ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaradka Suuriya (SDF).

ka Hor dagaalka Ku Dhawaaqista Erdogan ee Weerarka Isagoon Bilaaban Xogta Shiine Waxaanu idinku Soo Gudbiney Maraykanka oo Awoodisi Suuriya Turkiga Ku Wareejinaya taasi oo Hada u Suura Gashay Dalka Turkiga Inuu Isaga Maamulo Xadka Suuriya Iyo Surkiga Sibuuxda.

Turkiga Ayaa u Daliishanaya Cadaalad Darada Aduunka In Nidaamkii madaxweyne Bashar Assad uusan la kulmin cawaaqib xumo ka dib markii uu si isdaba joog ah u adeegsaday hubka kiimikada, taasoo ku qasabtay magaalooyinka oo dhan inay hareereeyaan inay isu dhiibaan, si aan kala sooc lahayn u duqeeyaan xarumaha dadweynaha iyo baabi’inta maxaabiista siyaasadeed.

Halka Turkiga oo Doonaya inuu Dadka Suuriya Ku celiyo dalkiisa Cadaadis looga Dhigay Inuu Duulaan Ku Qaadayo madax Banaanida Dalka Suuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Ayaa Durba Ku Dhawaaqay Inuu Cuna Qabataynta ka qaaday dalka Turkiga Kuwii Hore Iyo Kuwa Danbe ee uu ugu Hanjabayey Sidoo kale Turkiga Fursad u Siinaysa Dhul Xad Nabdoon oo Militry Ka Caagan Gacantana uu Ku hayo Turkiga.

Turkiga Hada Lugta Labaad ee Muhimka Ah Wuxuu Sacadaha Soo Socda Kula Kulmaya Madaxweynaha Ruushka  Shir Dalkaasi ka Dhacaya Iyagoo Isgaashi Militry Ka Dhaxeeyey Ruushka Simeesha Looga Saaro Mugdi Yar oo dagaalka Isbuuca Dhex Galiyey.

W?Q:Mohamed Shiine

Facebook:Mohamed Shiine

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*